Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur Oo Bulshada Somaliya U Iftiimiyey ‘Halis Ka Daran Al-Shabaab! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur Oo Bulshada Somaliya U Iftiimiyey ‘Halis Ka Daran Al-Shabaab!
August 3, 2019 - Written by Editor:

Muqdisho (W,N) ― Siyaasiga Cabdiraxamaan Cabdishakuur Oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliya ee sida wayn uga soo horjeeda maamulka madaxwayne farmaajo  ayaa si cajiiba sheeko ugu iftiimiyey dad ka halis badan Ururka Al-shabaabka gumaadkana  ku haya umadda Soomaaliyeed.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu ku baahiyay  bartiisa Facebookga wuxuu ku sheegay in dadka iska dhigaya inay shacabka wax u qabanayaan ee weliba siraya ay ka halis badan yihiin kooxaha xagjirka ah.

Qoraalka Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur ayaa udhignaa Sidan;

“Shimbir baa wuxuu doonay in uu barkad biyo ku jiraan ka cabo. Wuxuu arkay dhallinyaro ku xoonsan barkadda oo ka biya cabaya. Wuxuu is yidhi bal u yara kaadi inta ay banneynayaan goobta.

Markii ay dhallinyaradii dhammeysteen oo ay barkaddii faarujiyeen, ayaa waxaa soo dhacay nin oday ah oo gadh wayn leh oo ay haybad iyo deganaan ka muuqato.

Shimbirkii wuxuu is yidhi odaygan waxba kuuma dhimayee bal biyahaaga cab. Barkaddii ayuu dhinac kaga soo degey. Odaygii ayaa inta uu dhagax qaatay shimbirkii Il ka tuuray.

Shimbirkii ayaa dacwooday, garsoorihiina wuxuu xukumey in odaygii la qisaaso oo Isha uu shimbirka ka tuuray laga rido. Shimbirkii wuxuu yidhi ma doonayo in ishii uu odaygu iga tuuray la iigu qisaaso.

Wuxuu yidhi waxaan rabaa in gadhka la iiga guro, sababtoo waxaa i hoday oo aan ku sirmay waa gadhkiisa weyn.

Alshabaab in ay na gumaadaan way xanuun badan tahay, laakiin dadka na siraya ee aan moodno in ay wax noo qabanayaan ayaa ka xanuun badan. Kuu dhaamin maayo dhagar ayey dhaantaa”.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishukuur ayaa hadalkiisa kusoo koobay sheekadaa Xigmadaysan

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS