|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo lagag Dooday Xal Uhelida Saami Qaybsiga Iyo Qodobo Kale
August 1, 2019 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED: 01 /08/2019HARGAYSA(W,N) Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha. Xidhiidhka beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland. La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah. Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye. Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe. Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusayso. Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go’an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda. ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:Sheekh Maxamed Cumar Dirir Oo Ka Cudur Daartey In Uu Ka Mid Noqdo Guddi Uu Shalay Madaxweyne Siilany... DAAWO;-Xubno Katirsan Xukuumada Iyo Masuuliyiinta Gobolka Gabiley Oo Xarun Caafimaad Ka Dhagax Dhig... Olole Nadaafdeed Oo Iska Kaashadeen Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Iyo Dowlada Hoose Ee Laascaanood ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|