|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaar Kamid Ah Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Injineer Yariisow
August 2, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (WJN)- Qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka ayaa ka tacsiiyeeyay geerida ku timida Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) guddoomiyihii gobolka Banadir oo dhawaan ku dhaawacmay qaraxii lala beegsaday xafiiska maamulka gobolka Banaadir. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxaa uu tacsi u diray qoyska Injineerka iyo dowladda Soomaaliya. Ismaacil Geele waxaa uu ka dhawaajiyay in xilliggan dowladdiisa ay garab taagan tahay xukuumadda Soomaaliya iyo shacabka. Sidoo kale waxaa tacsi taas lamid u diray qoyska Injineerka, Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale. Badhasaabka magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Mike Sonko ayaa waxaa uu sheegay in Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ay ahaayeen saaxibo dhaw isla markaasan uu ahaa nin ay ka go’aneyd xaqiijinta Soomaaliya oo nabad ah. Maayarka caasimadda dalka Jabuuti, Faadumo Cawaale Cismaan oo ayaa waxay tacsiyeeyasay geerida ku timid Cabdiraxmaan Yariisow. Injineer Yariisow ayaa shaley ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo lagaga daweynayay dhaawicii ka soo gaadhay weerarkii lagu qaaday xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Muqdisho. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. Qaraxa ayaa dhacay xilli uu maamulka Gobolka Banaadir halkaasi uga socday shir toddobaadla ah oo ay yeeshaan. Xaruunta gobolka Banaadir waxay ka mid tahay xaruumaha dowladda Soomaaliya ee sida weyn ammaankooda loo adkeeyo. Related posts:Xukuumadda Jsl Oo Markii Ugu Horreysay Soo Bandhigtay Qorshe Cusub Oo Lagaga Hor-tegayo Dhibaatada G... Afartan Qof oo ku dhaawacmay dab saaka ka kacay Kaalin Shidaal oo Ku Taal Magaalada Laascaanood Muwaadin dooda qaran ee ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka ah i waxa weeye mid lagu dhisayo laguna t... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|