“Nimanka Leh Midnimaa Loo Ooman Yahay, Waxa Xaaran ah In Aad Madaxwayne La Kulanto,Waxaanan Leeyahay Bulshada Ka Raali Gali” Xoghaye Ramaax. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Nimanka Leh Midnimaa Loo Ooman Yahay, Waxa Xaaran ah In Aad Madaxwayne La Kulanto,Waxaanan Leeyahay Bulshada Ka Raali Gali” Xoghaye Ramaax.
August 14, 2019 - Written by Editor:

Xisbiga Ucid oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Shacabka Ka Raali Geliyo Kulankii Uu La Yeeshay Wasiirada Soomaaliya!

Berbera (WJN)-Xoghayaha Arrimaha gudaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Ayaa ka Hadley kKulankii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu Xajka kula yeeshay Wasiiradii ka socday Soomaaliya.

Ramaax ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu cadeeyo mawqifka uu ka lahaa kulankaasi uu la yeeshay xubnaha wasiirada Soomaaliya, Isagoona Madaxweynaha ugu baaqay inuu raali gelin ka siiyo kulankaasi oo uu ku tilmaamay inuu ahaa kulan aan u qalmin meeqaamka Somaliland oo uu meelkadhac ku ahaa.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS