|
|||||
WAJAALE NEWS
Musharax Maxamad C/laahi Jaamac Bookh, Dayax Usoo Baxay Danyarta Deegaanada Gobolka Gabiley.
August 4, 2019 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Musharax Maxamed C.laahi Jaamac Bookh Oo kamida haldoorka Aqoonyahanka Gobolka Gabiley islamarkaana wakhtigan u taagan Jagada Xildhibaanada u sharaxan golaha wakiilada somaliland, ayaa caawimooyin ay ku diirsadeen dadka danyarta ah ee ku dhaqan deegaanada hoos yimaada Gobolka Gabiley u qaybiyey Raashin iyo Maacuun ay aad ugu baahnaayeen. Sida aynu La Wada socono bulsho kastaa waxay qiimaysaa oo ay waynaysaa dadkeeda Waxtarka u leh kana war haya xaaladaha hadba soo waajaha, in sidaa la yeelo dano badan ayaa kujira oo ay ugu horyso in la isbaro oo la isku barbaariyo dadka,Waxtarka iyo Samaha ka shaqeeya iyo dhalinyarada ay hormudka iyo hogaanka u yihiin.
Talaabadan Xildhibaan Musharax Maxamed C.laahi Bookh ayaa kamida ku naadirka ku ah Siyaasiyiinta iyagu bulshada ka doonta codka wakhtiga ay doorashadu joogto oo kaliya, islamarkaana ay yar tahay inta sidan oo kale wax uga tarta baahiyaha bulshada, taas oo badalkeeda ay la hortagaan wakhtiga ay codka ka doonayaan Ilamadii yixaaska iyo walaalayaal codka isiiya. Jidkan uu Jeexay Xildhibaan Musharax Maxamed C.laahi Bookh ayaa Noqonaysa mid yididiilo galinaysa dadka la il daran Duruufaha nololeed iyo wacyiga wakhtigan taagan. Sidoo kale talaabadan uu qaaday Murashax Maxamed Jaamac.ayaa ah talaabo mudan in ay kaga daydaan Xubnaha kale ee ka soo jeeda gobalka ee uu ku jiro hanka in ay Noqdaan Xubno matala gobalka dhanka goloyaasha deegaanka iyo Wakiilada talaabadan ayaa waxay muujinaysaa dareen iyo xilkasnimo ku riixday in uu gurmad u fidiyo deegaano ka tirsan gobalka oo ay taabatay Abaari.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.
Hargeisa Somaliland
Related posts:Maayarkii Degmada Bali-Gubadle Oo Maanta La Soo Gaadhsiiyey Dhaawacyo Culus Iyadoo Loola Soo Cara... DAAWO: Bayaan Ku Saabsan Wadahadalka Cali Khaliif Iyo Somaliland Oo Ay Soo Saareen Jaaliyada Dhulbah... DAAWO; SHEEKH CARAB IYO DARISKII AXKAAMTA SOONKA OO KA HADLAYA FADLIGA BISHA RAMADAAN, CASHARKA 3AA... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|