|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Hadlay Geerida Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Eng Yariisow, Amray In Hoos Loo Dhigo Calanka!
August 1, 2019 - Written by Editor:Muqdisho (W,N) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow) oo goor dhaw ku geeriyooday dalka Qatar. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabdiraxmaan Cusmaan Cumar (Eng. Yariisow), Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho. Marxuumku waxa uu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya xilliyo kala duwan.” “Waxaa lagu xasuusan doonaa sidii hagar la’aanta ahayd ee uu ugu khidmeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo dadaalkii uu geliyay horumarka magaalada Muqdisho iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka qaatay dowr muuqda.“ Madaxweynaha ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in hoos loo dhigo Calanka Jamhuuriyadda inta lagu jiro baroordiiqda Guddoomiyaha oo soconaysa muddo 3 cisho ah Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka inuu hoygiisa ka yeelo Jannada Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Related posts:Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Kulan Afur Iyo Casho ah La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bahda... Taliyaha Ciidamada Qaranka Jsl Oo Dardaaran Culus Ujeediyay Ciidamada Dhamaystay Tababarka Layli Sar... “Warbixintii Uu Golaha Amaanka ka Jeediyay Ergaygan U qaabilsan Somalia Qaramada Midoobay, Waxay Aha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|