Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Hargeysa Ka Da’ay iyo Digniin Uu Diray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Roobkii Hargeysa Ka Da’ay iyo Digniin Uu Diray
August 27, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa ka hadlay roob dabeyl watay oo galabta ka da’ay caasimadda Hargeysa iyo nawaaxigeeda, kaasi oo ay ku dhinteen 3 qof, halka 18 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen roobkaasi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in 18ka qof ee dhaawacmay ay badidoodu ladan yihiin, islamarkaana labadii qof ee u cuslaa ay  hadli karaan.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu u mahadceliyey Wasaaradaha  Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka oo gurmad badan ka galay, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex iyo Dawladda Hoose oo ay weheliyeen ciidammada Booliska iyo Dabdamisku ay iyaguna dedaal weyn sameeyeen.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen saddexda qof ee roobkaas ku dhintay,waxaanu ILAAHAY uga baryey inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in qiimayn lagu sameyn doono khasaaraha guryaha iyo burburka uu geystay roobkaasi isla markaana laga tashan doono sidii laga yeeli lahaa biyo mareennada  la xidhay iyo biraha xaysiisyada ah ee ku teedsan caasimadda Hargeysa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Muuse Biixi oo ay wehelinayaan wasiirka arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Gobolka maroodi-jeex, maayarka caasimada Somaliland ee Hargeysa, Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Dab-damiska, ilaalada madaxtooyada iyo Xubno ka mida golaha wasiirada ayaa kormeer ku soo maray khasaaraha uu geystay caawa roob laxaadleh oo ka da’ay galabta Magaalada Hageysa iyo Nawaaxigeeda, kaasoo geystay khasaare balaadhan oo naf iyo maalba leh.

COMMENTS
LINKS