|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Hoggaamiyeyaasha Dhaqanka Ee Beelaha Hawiye
August 2, 2019 - Written by Editor:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xalay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey. Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa maantaba u ambo baxay dalkoodii Hooyo ee Soomaaliya, iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii satootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka. Related posts:Baanka Itoobiya Oo Doonaya Inuu Somaliland Xarun ka furto Iyo Walaaca Ay ka Qabaan Caqabada Aqoonsi ... Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Hawlaha Guud Oo Ka Hadlay Dhulka Dugsiga Wajaale Oo Maxkamadi Si Sharc... AKHRI:Nuxurka Go’aanka Urur Gobolleedka IGAD Soo Saareen Ee Aasaaska Awood Ciidan Oo Ku Wajahan Badd... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|