|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Xuseen Doodi Oo Ku Geeriyooday Hargeysa.
August 4, 2019 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Xaaji Faarax Maxamed (Xuseen Doodi) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/08/2019, magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, isagoo xilal kala duwana qaranka ka soo qabtay oo uu ugu danbeeyey xilka wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland. Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Xafiiska Ku Qaabiley Masuuliyiinta Ugu Saraysa Hay'adda Save the Children. Murrashax Cabdiraxmaan Cirro Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Itoobiya Iyo Ujee... Guddida Mihnadlayaasha Caafimadka oo ku dhawaaqay in aanu dalka ka shaqeysan karin Qof aan Rusqad ca... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|