Madaxwaynaha Jsl Oo Lafilayo In Uu Maalinta Bari Ah Dalka Ka Dhoofo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Lafilayo In Uu Maalinta Bari Ah Dalka Ka Dhoofo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa!
August 4, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biix Cabdi oo ay weheliyaan xubno kamida Xukuumadiisa Ayaa lafilayaa in uu maanta bari ah U Anbaboxo socdaal uu ku tagayo dalka Boqortooyada  sucuudi Arabiya

Ujeedada socdaalka madaxwaynaha somaliland ayaa ah sidii Uu Usoo gudan lahaa Acmaasha Xajka ,

Madaxwaynaha somalilan ayaa waxaa tagitaana xajka ku weheliya xubno katirsan xukuumadiisa iyo qoyskiisa

Madaxwaynaha somaliland ayaa kamid noqon doona maalaayiin muslim ah oo sanad ka gudashada xajka utagaya xaramka barakaysan.

Madaxwayne Biixi iyo xubnaha weheliya ayaa gagada diyaaradaha ee cigaal International ka raaci doona diyaarad khaas oo uu ka helay boqortooyada sucuudiga oo sanad walba madaxda wadamo badan oo islaam ah dirta ogolaasha xajka

Boqorka dalka sucuudiga ayaa isagu marka uu soo dhamaado gudashada waajibaadka xajku casuumad ufidiyay dhamaan madaxda wadamada islaamka ee kasoo qaygalay Xajka.

Sacad wali xukuumadu uma  shaacin socdaalka madaxwaynaha jsl.

Wajaalenews desk

Hargaysa office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS