Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaqalaha Ku Wargaliyay In Ay Fasax Yihiin Maalin Aan Ku Jirin Maalmaha Ku Cad Xeerarka Dalka Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Oo Shaqalaha Ku Wargaliyay In Ay Fasax Yihiin Maalin Aan Ku Jirin Maalmaha Ku Cad Xeerarka Dalka Iyo Sobobta!
August 8, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe  Ayaa soo saartay War saxafadeed kaasi oo shaqaalaha dawlada lagu wargalinayo in ay  fasax yihiin maalin aan ku jirin maalmaha qaran ee shaqaalaha dawladu fasaxa yihiin, kuna astaysan xeerka shaqaalaha dawlada xeer No;7 Iyo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee xeer No;33 soona baxay 2001 xeerarkan oo dhamaan ka dheegmay dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba haayada shaqaalaha ayaan sheegin sobob ama xeer sheegaya in maalinta Sabtida ah taariikhduna tahay 10/08/2019. Kuna beegan maalinta sagaaloodka(carafo) uu  fasax yahay shaqaalaha dawladu!

Talaabadan ay haayada shaqaalaha dawladu ku fasaxday shaqaalaha dawlada ayaa noqonaysa markii uhoraysay ee ay ku kacdo talaabo noocaasi ah islamarkaana kasoo horjeeda xeerka shaqalaha dawlada meelna aan kaga xusnayn qawaaniinta ay ku dhaqanto jamhuuriyada Somaliland.

HALKAN KA AKHRI WAR SAXAFADEEDKA KASOO BAXAY HAAYADA SHAQAALAHA DAWLADA JSL;

Uj:Fasaxa Shaqaalaha Dawlada Ee Munaasabada Ciida Arafo!

Hay’adda Shaqaalaha Dawladu markay garwaaqsatay, in berri oo jimce ah 09/08/2019 oo fasax la yahay, maalinta sabtida ah ee ku xigtaa oo ahayd maalin shaqo sida jadwalka shaqaaluhu dhigayo, balse ku beegan maalinta carafa xujaajtu joogaan, taas oo inta badan dadku soomaan iyo labada cisho ee ku xiga oo fasaxa ciida noqonaya.

Sababtaas awgeed iyo iyadoo la tixgelinayo in loo fududeeyo Shaqaalaha Dawladu si ay ugula ciidaan caruurtooda iyo xaasaskooda farxad, rayrayn iyo diyaargarow ku filan, Hay’adda shaqaalaha Dawladu waxay idinku wargelinaysaa in maalinta sabtida 10/08/2019 ay tahay fasax loona tixgeliyay in shaqada laga nasto.

Waxa kale oo sidii sharciga ahayd fasaxa Ciida uu yahay 2 cisho oo ah maalmaha Axada iyo Isniinta 11-12/08/2019, iyadoo shaqada lagu soo noqonayo maalinta Salaasada 13/08/2019.

Shaqaalaha goobo shaqo ka socoto maalmahaas ka hawgalaya, iyagu way shaqaynayaan.

Waxaan hambalyo iyo salaan u dirayaa dhamaan Shaqaalaha Dawlada, xaasaskooda, caruurtooda iyo guud ahaan shacbiga JSL oo aan leeyahay ku Ciida bashbash iyo barwaaqo.

Sanadka sanadkiisana ku gaadha Nabad iyo Horumar Insha Allah.

Kuli Caam Wa Antum Bilkhayr

Ciid Mubaarak

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada JSL

Farxaan Aadan Haybe

 

COMMENTS
LINKS