DAAWO;-Madaxwaynaha DDSI Oo Ka Qaybgalay Xuska Sanad Guuradii 35aad Ee Ururka ONLF! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Madaxwaynaha DDSI Oo Ka Qaybgalay Xuska Sanad Guuradii 35aad Ee Ururka ONLF!
August 15, 2019 - Written by Editor:

Jigjiga (WJN)- Madaxwaynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) iyo xubno katirsan xukuumadiisa ayaa magaalada Jigjiga kaga qaybgalay xusay sannad guuradii 35aad ee Aas-aaska Ururka ONLF, xuskan ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee magaalada Jigjiga.

Xuskan ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxda ONLF, Madaxda u saraysa DDS, Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka degaanka iyo Shacabka qaybihiisa kale duwan.

Xuskan ayaa waxaa khudbado kasoo jeediyay Madaxda Ururka ONLF, iyagoo sheegay in halgankii uu Ururku soo waday ee qoriga ahaa ku badaleen mid qalin ah halkiisiina uu kasii socon doono iyagoo si nabadgalyo ah u wadaya halganka.

ONLF ayaa muddo dheer u soo dagaallamayay Xoreynta dhulka Soomaalidu degto ee bariga Itoobiya, oo ay rabeen in Itoobiyada kale ka go’aan. waxayna hadda kadib u halgami doonaan qaab Xisbi oo gali doona doorashada soo socota. waxayna Xafiisyo ka furteen dhammaan gobollada degaanka iyo caasimadda dalka ee Addis Ababa.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://youtu.be/ZbkKwRM3SyE

 

COMMENTS
LINKS