Baadhitaano Musuq Maasuq Oo Lagu Wado Maamulka Degmada faro-wayne Iyo Xogaha laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baadhitaano Musuq Maasuq Oo Lagu Wado Maamulka Degmada faro-wayne Iyo Xogaha laga Helayo!
August 26, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Maamulka Degmada farowayne Oo kamida Degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi jeex ayaa Maalmihii udanbeeyay waxaa hantodhowka guud ee qaranku ka wadeen baadhitaano iyo dabagal lagu waday kaasi oo dhawaan mudo kooban xabsiga loo dhigay xoghayaha degmad Balse Mudo kadib dib uhelay xoriyadiisii,

Xogaha laga helayo Baadhitaanada Musuq maasuq ee  Maamulka degmada farowayne ayaa sheegay in maalintii shalay ahayd maamulkda degmada looga yeedhay xafiiska Hantidhowrka ee magaalada Hargaysa halkaasi oo ay su,aalo iyo xogo dheeraada Ku waydiinayeen kooxdii Hore utagtay Degmada ee baadhitaanka  kusoo samaysay,

Wararka laga helayo Eedaha Musuq Maasuq Ee dulhoganaya maamulka degmada faro wayne ayaa intaa ku daray in xubnaha looga yeedhay xafiiska hantidhorwka ay kala yihiin,

Gudoomiyaha Degmada Farowayne

Gudoomiye kuxigeenka degmada

Xoghayaha Degmada farowayne

Xisaabiyaha Degmada faro wayne

Afartan masuul ayaa la sheegay in mudo wax laga waydiiyay tuhunada musuq maasuq ee loo haysto.Wallow aanay jirin wali wax sicad loo shaaciyay,

Maamulka degmada faro wayne  oo mudo bulshada ku dhaqan degmada faro wayne ka muujinayeen cabashooyinka la xidhiidha cashuuro dheeraada oo ay dul dhigeen beeralayda deegaanka iyo wax qabad la,aan ayaa wakhtigan waxaa 48sacadood ee udanbeeyay lagu waday baadhitaano culus iyadoo xogaha qaar sheegayaan in maamulka degmada  laga waayay buugaagtii cashuur qaadista oo aan xataa la haynin qaybihii loogu talo galay in soo hadhaan laguna sameeyo xisaab celinta, taasi oo laga cabsi qabo in wakhtiyada soo socda ay sobobta in gabi ahaanba maamulka degmada xabsiga la dhigo.

Xafiisa hanta dhowrka qaranka ayaa iyagu baadhitaanada ay ku samaynaa xafiisyada dawlada iyo degmooyinka uga dan leh sidii loo toosin lahaa habxisaabeedka qaranka loona ilaalin lahaa hantida qaranka,

Dhanka kale gudoomiyaha  degmada faro wayne ayaa isagu ah masuul lagu dhaliilo in uu wakhtigiisa inta badan u qaata magaalada hargaysa islamarkaana aan wax badan kala soco xaalada degmada, uu maamulka ka yahay,

Dadwaynaha ku dhaqan degmada faro wayne oo kamid degmooyinka ugu balaadhan kuwa hoos yimaada gobolka maroodi jeex ayaa gabi ahaanba helin adeegyadii looga baahnaa xukuumada taasi oo cabasho ay shacabka deegaanku muujiyeen bishii ramadaan ay sobobtay in maamulka degmada xabsiga utaxaabaan inka badan 15qof kuwaasi oo magaalada hargaysa ku xidhaan mudo dheer.

Degmada faro wayne ayaa kamid degmooyinkii sida wayn utaageeray xisbiga kulmiye doorashadii madaxtooyada iyagoo  qayb wayna ka ahaa guushii uu ku hantiyay kursiga dalka ugu sareeya madaxwayne biixi .wallow aanay wlali bulshada degmada faro wayne wax qabad la taaban karo aanay ka helin mudadii uu xilka hayay, marka laga reebo maamul ragadiyay hawlihii degmada oo wasaarada arimaha guduhu umagacowday.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS