Xildhibaano iyo Fanaaniin Jabuuti Ka Soo Kicitimay oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaano iyo Fanaaniin Jabuuti Ka Soo Kicitimay oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay
July 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland si diiran loogu soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Fanaaniin ka socda wadanka Jabuuti.

Guddoomiyaha Talefeshinka Baddacas24 Cabdirashiid Muxumed Daahir (Caateeye), ayaa Qado-sharaf ku maamuusay Fannaanadda caanka ah ee Xabiiba Balballaaf, Xildhibaan Afrika Cabdillaahi Cismaan oo ka tirsan Mudanayasha golaha deegaanka Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku sugan Hargeysa.

Kulankan Qado-sharafta ah ee uu Maamulka Talefeshinka Baddacas 24 u sameeyey Xubnaha reer Jabuuti, waxaa ka qaybgalay Fannaanadda Caanka ah ee Xabiiba Balballaaf, Afrika Cabdillaahi Cismaan oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Jabuuti, Guddoomiyaha Jaaliyadda Reer Jabuuti ee Somaliland ku dhaqan, Guddoomiyaha Baddacas24 Cabdirashiid …… iyo Tifaftiraha Baddacas Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale.

Kulankaas, Qado-sharafta ah oo ka qabsoomay Huteelka Like Asal ee magaalada Hargeysa, waxa ugu horreyn ka hadlay Tifaftiraha guud ee BADDACAS24 TV Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Sidoo kale, Fannaanadda Xabiiba Balballaaf iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Jabuuti Maryan Xariir, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay. Sidoo kalel, Gebo-gebadii Xildhibaan Afrika Cabdillaahi Cismaan, ayaa iyaduna ka mahad-celisay casuumaddan, isla markaana salaam u dirtay Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadaha Jabuuti iyo Somaliland iyo Marwooyinkooda.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS