Xaaska Janaraalki Inqilaabki Itoobiya Ka Dambeeyey oo La Xidhay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xaaska Janaraalki Inqilaabki Itoobiya Ka Dambeeyey oo La Xidhay
July 5, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Xaaska sargaalkii ka dambeeyey inqilaabki dhicisoobay ee ka dhacay deegaanka Amxaarda ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay.

Mahleet Asaimnew ayaa xaqiijisay in hooyadeed la xidhay.

Jeneraal Asaaminew Tsige ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilalkii 22-ka June loo geystay Madaxweynihii deegaanka Amxaarada iyo Saraakiil kale.

“Laba maalmood kaddib ayaa janaraalka toogasho lagu dilay isaga oo ka baxsanayay magaalada Baxirdar” sida ay boolisku sheegeen.

Gabadh uu dhalay Janaralku waxay sheegtay guriga aabbaheed uu ka degganaa magaalada Addis Ababa ay boolis isku hareereeyeen kaddibna ay qaateen gaadhigiisa, koombiyuutar Laptop ah iyo dukumantiyo kale.

“Khamiistii shalay ahaydna waxay booliska xidheen hooyaday Desta Asefa iyada oo aan la garan sababta loo xidhay” ayay tidhi.

Booliska dalka Itoobiy xadhigga uu Ms Desta u geystay kama aanay hadlin.

Toddobaadki hore waxay dowladda Itoobiya sheegtay dad ka badan 250 qof oo lala xidhiidhiyey afgambigi dhicisoobay 22-ka June oo Baxirdar lagu dilay qaar ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya deegaanka Amxaarad iyo abbaanduulaha guud ee ciidmada Itoobiya Jeneral Seare Makonnin iyo sargaal kale oo Addis Ababa lagu dilay.

 

Wajaalenews Desk

Jigjiga Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS