Waxqabadkii iyo Dadaaladii Shaqo Ee Agaasimihii Hore Wasaarada Shaqo Gelinta Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waxqabadkii iyo Dadaaladii Shaqo Ee Agaasimihii Hore Wasaarada Shaqo Gelinta Somaliland
July 5, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Agaasimihii hore Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda, iyo Qoyska Somaliland Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) wuxuu ka mid yahay  shaqsiyaadka dalka si aan hagar lahayn ugu soo shaqaynayey illaa iyo 1991-kii isaggoo ka mid ahaa dhalinyaraddii u kacday dalka oo baa’basan siddii ay dadkooda wax u tari lahaayeen una caawin lahaayeen, iyaggoo la  garab taagnaa muruq iyo maskaxba. Wuxuu xagga hore ka ahaa dhalintii aasaastay hay’ada HAVOYOCO oo wax weyn tartay dalka iyo dadkaba runtii markii danbena noqotayba hay’ad ka shaqaysa waddamada kale ee geeska, kana soo dhex baxday hay’ado badan.

Muddane Maxamed Ilkacase wuxuu 20 sanno ku soo dhex jirey oo ka soo shaqaynayey urrurada Bulshadda rayidka ah (Civil Society) oo aan ka xusi karno urrurada HAVOYOCO IYO COSONGO.

Tobankan sanno ee ugu danbeeyayna waxaa uu ahaa masuul dawladdeed oo qaranka si aan kala joogsi lahayn ugu shaqaynayey, isaggoo soo marey ama xilal ka soo qabtay Wasaaraddo kala duwan iyo xarunta qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Image result for Agaasime Ilkacase

 Kuwaasi oo ay ka mid yihiin:

Agaasimaha Protocol-ka qasriga Madaxtooyada Somaliland, Agaasimaha Wasaaradda Kaluumaysiga, Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha , iyo Agaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshadda, iyo Qoyska oo uu labba jeer Agaasime guud ka noqday, Sidoo kalena waxa kaalin weyn ku lahaa Xisbiga Kulmiye iyo xidhiidhka Dawalada Degaanka Soomaalida iyo Jabuuti.

Runtii meel kasta oo uu tago waxaa laga dheehanayey shaqo wanaag iyo in wasaaraddaasi ay mahadiso soo magacaabistiisa loo soo magacaabay kuna hagayey siyaasad bisil oo degan, khibrad shaqo, iyo aqoon, Wuxuu isla marka uu Wasaarad Shaqo ka bilaabo uu galinayey oo ku shubayay dhiig cusub wuxuu Shaqaalaha Wasaaraddaas siinayey dhiirigelin, kalsooni, iyo in shaqaddu yeelato kala danbeyn iyo isku ixtiraamid, Wuxuu dhisayey dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda aqoontooda, hab dhaqankooda, iyo niyadooda, si la mid ah wuxuu dib-u-habeyn ku samaynayey oo qaabaynayey kana shaqaysiinayey waaxaha kal duwan ee Wasaaradaas. Wuxuu shaqaalaha kobtaas siinayey awood shaqo oo ah in qofkasta shaqo qaban karo oo aanu fadhiyin iyaggoo ka faa’ideynaya wakhtiga, maskaxda iyo aqoontaba.

muddadan kooban ee uu joogay Wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshadda, iyo qoyska wuxuu ku guulaystey in uu siyaasado badan iyo shirweynayaal farabadan oo qaranka muhiim u ah loona cadilnaa muddadaas uu sameeyay ama ay qabsoomeen, qaarna uu gacanta ku hayay oo uu waday (Draft) kuwo kalena ay dhammaadeen oo soo idlaadeen (Final). Siyaasadaha lagu guulaystay bilawgooda gebogebana ku dhaw iyo kuwa dhammaadayba waxaa ka mid ah kuwan hoos ku xusan:

1: Siyaasadda Carbinta Shaqadda ee Qaranka ( National Internship Policy)

2: Siyaasadda Hawlgabka Qaranka ( National Pension Policy)

3: Dib-u-habeynta Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah

4: Diiwaangelinta Shaqaalaha Rayidka ah

5: Diiwaangelinta Shaqaalaha Ajanebiga ah, iwm

6: Strategy Plan-ka wasaaraddu ku shaqaynayso 2019-2022

Sidoo kale Shirweynayaasha qaranka muhiimka u ah ee isagga iyo Wasaaraddiisu ku guulaysatay  iyo kuwa u qorshaysnaa waxaa ka mid ah:

1: Shirweynaha Heer Qaran ee Shaqo-Abuurka

2: Shirweynaha Qaranka ee Carruurta

3: Shirweynaha Naafada Qaranka, iwm.

Halkan kuma soo koobi karno guulaha uu wakhtiyadii kala duwanaa ee uu xilalka ka soo qabtay Wasaaradahaa kala duwan iyo kuwa uu qaranka u soo hooyay iyo guulaha jidka u saaranaa.

Guntii iyo gunaanadkii waxaan ku soo afmeeraynaa Agaasime Maxamed Cilmi Ilkacase inuu yahay masuul mutaystay in lagu ammaano waxqabadkiisa, sidoo kalena mudan in lagu daydo.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS