Wasiir-kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ku Guuldaraystay Xal Uhelida Khilaafka Maayarka Gabiley Iyo Xildhibaanada Golaha! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir-kuxigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ku Guuldaraystay Xal Uhelida Khilaafka Maayarka Gabiley Iyo Xildhibaanada Golaha!
July 17, 2019 - Written by Editor:

Khilaafka Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Maayarka Oo Halkii Ugu Saraysay Maraya Iyo Masuuuliyiinta Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ku Guuldaraystay Xal Uhelida Golaha Ee Ay Gabiley Utageen+ Xildhibaano Hortooda Isku farasaaray !

GABILEY(W,N) Wasiir kuxigeenka wasaarada Arimaha gudaha oo uu weheliya Agaasimaha Xidhiidhk Gobolada Iyo Degmooyinka ee Wasaarada Arimaha gudaha ayaa socdaal ku tagay Magaalada Gabiley si ay Ugudo Galaan dhex dhexaadka Khilaafka maayarka Gabiley iyo xildhibaanada Wada Xilka Qaadista Maayarka .

Wasiirkuxigeenka ayaa labada dhinac iskugu keenay guriga Martida ee Magaalada Gabiley iyadoo kulan labada dhinac uu hadheeyay buuq iyo gacan ka hadal Dhexmaray Xildhibaanada kala aragtida Ah kaasi oo sobobay in masuuliyiinta wasaarada Arimaha guduha ku guuldaraystaan ujeedadii ay uyimaadeen Magaalada Gabiley Iyo xalka gaadhida khilaafka golaha deegaanka,

Dhanka kale wararka xogogaal ah ee aanu ka   helayno khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo maayarka ayaa maraya halkii ugu saraysay iyadoo labada dhinac uu midwalba dhankiisa ugu hawlan yahay sidii aan looga guulaysan iyo in aanay dhinacna ka tanaasulin mawqifka ay taagan yihiin,

Xildhibaanada doonaya in ay maayara xilka ka tuuraan oo inta la og yahay xiliga tiradoodu tahay 11xildhibaan ayaa iyagu ku adkaysanaya in golaha loo qabto fadhi aan caadi ahay oo cod loogu qaado xilka qaadista maayarka,

Halka Garabka uu hogaaminyo maayarka gabileya ay iyagu ku doodaya in aan la qaban Karin wax fadhi ah islamarkaana abaabulayaan shacabka taageersan maayar kuwaasi oo isticmaalaya dhaqaalihii dawlada hoose ee gabiley iyo awooda maamulka gobolka oo lagu eedaynayo in uu badhasaabku yahay gacanta midig ee Maayar Maxamed Amiin Cumar Cabdi

Sikasta oo ay tahay Si cad looma oga halka uu saldhigi doono khilaafka golaha deegaanka gabiley oo isagu noqday mid soo soo noqnoqday kaasi oo caqabad ku noqday habsami usocodka hawlaha dawlada hoose ee gabiley oo marki horeba la daalaa dhacaysay musuq maasuq iyo wax isbada marin baahsan oo hadhaysay maamulka dawlada hoose ee gabiley.

Khilaafka maayarka iyo xildhibaanada golaha deegaanka ayaa dhanka kale saamayn taban ku yeeshay bulshada ku dhaqan gobolka gabiley oo xiligan labada dhinac  ula kala saftay hayb qabiil oo halis ku ah wada noolaanshaha bulshada reer gabiley ee markii horeba ka aradnayd deegyada Aas Aasiga iyo Wax qabadka Xukuumada Kulmiye Ee madaxwayne biixi gadhwadeenka ka yahay,

WAJAALENEWS DESKA

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS