Wasaarada Deegaanka Somaliland oo Xabsiga U Taxaabtay Muwaadin Illaaliya Xuquuqda Duur Joogta oo Ku Eedeeyey Inay Dhoofinayso Hareemo Cad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Deegaanka Somaliland oo Xabsiga U Taxaabtay Muwaadin Illaaliya Xuquuqda Duur Joogta oo Ku Eedeeyey Inay Dhoofinayso Hareemo Cad
July 2, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Muwaadin u doodda xuquuqda duur joogtaSomaaliland  oo magaciisa la yidhaahdo Cabdi Cali Jaamac ayaa shalay xabsiga loo taxaabay ka dib markii uu Wasaarada Deegaanka iyo reer Miyiga ku eedeeyey inay doonayaan inay iibiyaan sideed hareemo cad oo loo dhoofinayo koonfur Afrika.

Cabdi Cali ayaa sheegay inuu maxkamada ka dacwaynayo wasaaradda deegaanku si looga joojiyo inay dalka ka dhoofinayso Hareemo cad, waxaanu xusay in dastuurka Somaliland mamnuucay in aan la iibsan Karin ama la dhoofin Karin duur joogta.

Wasaarada deegaanka ayaa ka xumaatay eeddaha uu usoo jeediyey muwaadinkan, waxaanay sheegtay in aanay iibinayn balse la geynayo goob lagu xanaaneeyo oo dalka dibadiisa ah.

Cabdi Cali ayaa sheegay in Wasaaraddu ay Madaxweynaha u fahansiisay in loo haynayo hareemo cadka oo marka uu bato dib loogu soo celinayo dalka, haseyeeshee waxa uu xusay in aanay is dhexgali Karin hareemo cadka Soomaaliga ah iyo ka Koonfur Afrika maadaama oo laba cimilo ku kala nool yihiin, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay in aanu ogolaan in la dhoofiyo sideedda Hareemo cad.

Cabdi Cali oo ah nin iskii isku xil qaamay duur joogta, isla markaana sita dhalashada Maraykanka ayaa dad kooban oo reer Somaliland ku eedeeyey inay ka baayac mushataareeyaan, waxaanu si toos ah u tilmaamay in Carabtu u badan tahay dadka dabar jaraya Duurjoogta iyo shimbaraha waaweyn ee dalkeenna.

Si kastaba ha ahaaatee, illaa hada kama hadal xukuumaddu sababta loo xidhay muwaadinkan ilaaliyo xuquuqda duur joogta.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS