WAR DEG DEG AH; Kal fadhigii Golaha Deegaanka Gabiley Oo Kooram La,Aan U Baaqday Iyo Sobobta!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH; Kal fadhigii Golaha Deegaanka Gabiley Oo Kooram La,Aan U Baaqday Iyo Sobobta!!
July 6, 2019 - Written by Editor:

Khilaaf Culus Oo ka Dhex Istaadhmay golaha deegaanka gabiley Iyo Tirada Xildhibaaano Oo Wasaarada Arimaha Gudaha  Usoo Gudbiyay Mooshin Xilka Lagaga Tuurayo Maayarka!

GABILEY(W,N) Maayarka Magaalada gabiley ayaa fadhi aan caadi ahayn iskugu yeedhay mudanayaasha golaha deegaanka kadib markii khilaaf ka dhex qaxray gudida joogtada ah ee golaha deegaanka.

Wararka laga helayo magaalada Gabiley ayaa sheegaya in kalfadhigii Aan Caadiga ahayn ee saaka loo balansanaa in ay iskugu yimaadaan goluhu aan qabsoomid iyada oo ay sobobtay in fadhigu buuxsami waayay  islamarkaana uu sidaasi ku baaqay

Xoghaya dawlada hoose ee gabiley aanu isku daynay in aan waxka waydiino sobobta fadhigu ubaaqay halka uu salka ku hayo khilaafka culus ee ka dhex bilaabay xildhibaano tiradoodu kor ufaadhayso 12 iyo maayarka gabiley Maxamed amiin iyadoo xoghaye mustafe uu ka jawaabi waayay telfoonkiisa gacanta oo aanu kala xidhiidhnay,

Dhanka kale 12xildhibaan oo kamida golaha deegaanka gabiley ayaa saaka wasaarada arimaha gudaha usoo gudbiyay eedo ka dhan ah maayarka gabiley iyaga oo dalbanaya in loo ogolaado fadhi ay xilka kaga tuurayaa maayarka iyaga Dhanka kale wasaarada arimaha gudaha usoo gudbiyay talaabooyink sharci jabin oo uu maayarku ku kacay

Xogo kale oo laga helayo khilaafka golaha deegaanka gabiley ayaa tibaaxaya in maayarka iyo wasaarada arimaha gudaha uu soo kala dhex galay khilaaf ba,an kaasi oo udhexeeyay maayar maxamed amiin iyo wasiirka arimaha gudaha maxamed kaahin oo la sheegay in maayarku diiday amar uu wasiirka arimaha guduhu faray sicad looma oga khilaafka wasaarada iyo maayarka ,

Khilaafka golaha deegaanka gabiley ayaa ka bilowday kadib markii xildhibaanada gudida jogtada ahi ay wasaarada arimaha gudaha usoo gudbiyeen musuq maasuq uu ku kacay maayarka halka maayarkuna uu ka dalbaday fadhi aan caadi ahayn in goluhu iskugu yimaado si xilka looga qaado gudida joogta taasi saaka maayarka maxamed ku guuldaray halka badalkeediina ay xildhibaanadu wakhtigan qorshaynayaa sidii ay xilka uga xayuubin lahaayeen kuwaasi xiligan haysta xildhibaano kor udhaafaya 12mudane wallow dhinaca garabka maayarkuna ku doodayaan in haystaan 11xildhibaana iyadoo sheegashada labada dhinac ka badan tahay tirade ay ka kooban yihiin golaha deegaanka Degmada gabiley.

WIXII KASOO KORDHA KHILAAFKA GOLAHA DEEGAANKA GABILEY KALA SOCO WARARKEENA DANBE

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

COMMENTS
LINKS