“Waan Joogtaynayaa Xidhiidhka Somaliland Iyo Shacabkeeda”Amb James Swan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waan Joogtaynayaa Xidhiidhka Somaliland Iyo Shacabkeeda”Amb James Swan.
July 28, 2019 - Written by Editor:

“Waxa Aan Wada-Hadal Wanaagsan la Qaatay Madaxweynaha Iyo Wasiirradiisa, Waxa Aannu Si Gaar ah Uga Wada hadalnay Sidii Dhidibbada Loogu Adkayn Lahaa Guulaha Iyo Horumarka Ay Somaliland Gaadhay” Ambassador James Swan

HARGAYSA(W,N) Wakiilka Gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad  uga mahadnaqay sida diirran ee uu  usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

Isaga oo ka hadlaya waxyaabaha ay sida gaarka ah madaxweynaha uga wada-hadleen, waxa uu yidhi “Waxa aan wada-hadal wanaagsan la qaatay madaxweynaha iyo wasiirradiisa, waxa aannu si gaar ah uga wada hadalnay sidii dhidibbada loogu adkayn lahaa guulaha iyo horumarka ay Somaliland gaadhay, iyada oo si nabadgelyo ah loo xallinayo dhammaanba waxyaabaha lagu kala duwan yahay, lana joogtaynayo hannaan wada-hadalka,” ayuu yidhi James Swan.

Waxa uu sidoo kale guul ku tilmaamay xalka ay madaxda qaranku ka gaadheen caqabadihii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, taas oo uu calaamad u ah horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto.

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen  kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada  midoobay caawiso.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKAW AWARKAN;

COMMENTS
LINKS