Soomaaliya oo Dawladaha Wakiilladu U Joogaan Muqdisho Uga Digtay Inay Somaliland La Xidhiidhaan Iyagoon Ogaysiin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaaliya oo Dawladaha Wakiilladu U Joogaan Muqdisho Uga Digtay Inay Somaliland La Xidhiidhaan Iyagoon Ogaysiin
July 6, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) – Soomaaliya ayaa maanta Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga Muqdisho gaadhsiisay farriin ah in wixii ah ee ay la samaynayaan Somaliland ay ogaysiiyaan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya oo kulan uu la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ka dib, la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya, heshiisna ay labadoodu wada gaadhi karaan, balse aanay Dawlad kale ka ogolaanayn inay faro-geliso waa sida uu hadalka u dhigee.

Wasiir Cawad oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Somaliland maaha dal Madax-bannaan oo gooni u taagan, Adduunka meel aqoonsani ma jirto, Go’aammada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD iyo dalalka Islaamka  dhammaantood waxay qiraan in Soomaaliya tahay hal dal, Dalalka qaar waa inay tixgeliyaan go’aammada Adduunka ay qaybta ka yihiin.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Dawladda Federaalku diyaar bay u tahay inay wada-hadlaan Walaalahooda Somaliland oo ay la fadhiisato, laakiin Dal kale inuu na Carqaladeeyo oo dhib noo abuuro kama yeelayno.  Waxaan u sheegnay in aanaan Gini ka yeelayn, waxaanu u sheegnay in hadda ka hor aanu dul-qaad u lahayn dalal kale, laakiin hadda ka bacdi una sheegnay inay Dawladahooda u sheegaan in marka ay la xidhiidhayaan qayb Soomaaliya ka mid ah lagala soo xidhiidho Dawladda Federaalka.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Waxa jira olole Socda oo khatar ku ah Midnimada Soomaaliya oo ay wadaan waddamo la yaqaano..”

 

Wajaalenews Desk

Muqdisho Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS