|
|||||
WAJAALE NEWS
“Somaliland Intii Uu Farmaajo Xilka Yimid Waxa Ay Kala Kulantay, Cadaawad Aan Hore loo Arag 28-kii Sanno,Oo Xataa Xoolihii Xajka Ayuu Faro Galiyay”Madaxwayne Biixi
July 19, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu jawaab cad ka bixiyey guddi ay dhawaan maamulka Muqdisho u magacaabeen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo sheegay inaanay guddidaasi khusaynin Somaliland, waxana uu yidhi, “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.” Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu madaxweynaha maamulka Muqdisho kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimi, cidda wax tabanaysaana aanay ahayn shacabka reer Somaliland ee dalkooda jooga, “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu gef iyo gardarro ku tilmaamay in madaxweynaha maamulka Muqdisho uu guddiyada uu magacaabay kusoo daro xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, waxana uu tilmaamay inaanay Somaliland meteli Karin shaqsiyaad iskood u shaqo tegay oo aan cidna metelini, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa kale oo deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magacaabay, taas macnaheeduna waa Somaliland aniga ayey ila joogtaa, hubaashuna waa dadka kula joogaa waa dad Somaliland u dhashay, laakiin aan wadin qaddiyaddii Somaliland iyo go’aankii Somaliland, mana dhici karto inay Somaliland u hadlaan dad Farmaajo u shaqeeyaa, waxase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.” HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|