Somalia oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Dalka Guinea | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somalia oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Dalka Guinea
July 4, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) – Dawladda Somalia ayaa ku dhawaaqday inay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ay u jartay dalka ku yaala galbeedka Afrika ee Guinea. Go’aankan ayaa soo baxay kadib markii ay maanta shir yeesheen Golaha Wasiirada ee Somalia.

Talaabadan ay ku dhaqaaqday dawlada Somalia ayaa imanaysa kadib markii Jamhuuriyada Somaliland ay xidhiidh la samaysay dalkan ku yaala Galbeedka Afrika oo isagu martiqaad rasmi ah u fidiyey hogaamiyaha Somaliland oo socdaal ku jooga dalkaasi.

Go’aankan dawlada Somalia oo uu ku dhawaaqay Wasiirka Arimaha dibada Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa tilmaamay in in talaabadaasi ay ka soo horjeedo madaxbanaanida Somalia iyo midnimada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Taariikh Ahaan Somaliland iyo Somalia

Somaliland ayaa ahayd maxmiyad ka tirsan boqortooyada Ingiriiska oo xoriyada ka qaatay sanadkii 1960-kii, Halka dawlada Somalia ay gumaysatay dawlada Talyaaniga oo xornimada siisay Somalia isla sanadkaasi 19960, waxaanay labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia ay midoobeen shan maalmood ka dib isla sanadkaasi 1960.

Hase yeeshee Somaliland ayaa ku dhawaaqday mar kale inay xornimadeedii la soo noqotay 1991-kii dagaal labada kadib, ilaa iyo hadana ma jiro wax aqoonsi ah oo ay ka heshay beesha caalamka.

https://youtu.be/6OM1h_1_EFo

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS