Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Eedo Culus Ujeediyay BBCda,Sheegayna In Cadaawadeedu Marayso In Ay Gabiley fidno Ka Dhex Huriso, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari Oo Eedo Culus Ujeediyay BBCda,Sheegayna In Cadaawadeedu Marayso In Ay Gabiley fidno Ka Dhex Huriso,
July 25, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Rashiid Jaamac Dhari (Sheekhul Axmarka) oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga mucaaridka ee wadani ayaa eedo culus ujeediyay idaacada afka somaliga ku hadasha ee bbcda oo uu sheegay in ay cadaawad ku hayso jamhuuriyada somaliland warar been abuur ahna ka baahiso

Siyaasi rashiid ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in idaacada bbcda ee mudada intaa leeg jirtay ay qof suuqa iska jooga ku sheegto maayarkii gabiley Maxamed amiin cumar cabdi iyagoo isticmaalaya magaciisii.

Dhanka kale siyaasi rashiid ayaa xukuumada ugu baaqay in ay talaabo deg deg ah ka qaado bbcda waydiisana wixii ku ka lifay been abuur gabiley oo ah mid ugub ah Isa goo xusay hadii arintaa wax laga qaban waayo in barina qof suuqa joogaa madaxwaynaha magiciisa sheegani.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

COMMENTS
LINKS