Siyaasi Mustafe Shiine oo Ka Dareen Celiyay Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tagay Dalka Gini | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Ka Dareen Celiyay Safarka Madaxweyne Biixi Ku Tagay Dalka Gini
July 3, 2019 - Written by Reporter:

London (WJN) – Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa ka dareen celiyay safarka Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii uu hoggaaminayey ay Shalay ugu baxeen Dalka Gini iyo soo dhwayntii ay kala kulmeen dalkaasi.

Siyaasi Mustafe Shiine ayaa sheegay in uu guulaha Madaxweyne Muuse Biixi soo hooyay si lamid ah uu ugu farxsanyahay siduu uu Daahir Rayaale Kaahin ugu  farxay, Waxaana uu sheegay inuu rajaynayo oo uu ku ducaynayo in safarka Madaxweynuhu noqdo mid midha dhala oon intaa ku ekaan.

Mustafe Shiine oo qoraaal uu arintaasi kaga hadlayo soo dhigay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews ayaa u dhignaa sidan:-

“Waxaan ugu farxayaa si la mid ah sidii aan Daahir Rayaale Kaahin ugu farxay.

Ma nihin mucaaridkii waraaqaha ka daba diri jiray marka ay madaxweyneyaasha qaranku u dhoofaan dibadaha.

Waxaanu aaminsanahay in guusha uu soo hooyaa madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo mid kaloo kastaa ay tahay mid u soo hoyatay guud ahaan qaranka Somaliland, si la mid ah ayaanu u aragnaa nusqaan kasta oo ka dhalata tallaabadda xukuumaddu inay tahay boog madow oo qaranka ku dhigantay.

Waxaan hambalyeynayaa guusha muuqaalka wanaagsan iyo habmaamuuska ah ee ilaa iyo hadda uu soo hooyay wefdiga uu madaxweynuhu hogaaminaayo.

Dhabahaantii waan ku farxay shaqsi ahaan quruxda iyo habmaamuuska lagu soo dhaweeyay madaxweyne Muuse iyo wefdigiisa, waxaanan ugu farxay si la mid ah sidaan ugu farxay guulihii la midka ahaa ee Daahir Rayaale Kaahin uu hore uga gaadhay soo dhawayn habmaamuus kan la mid ah.

Si kastaba ha ahaatee Waxaan rajaynayaa oon ku ducaynayaa in kani uu noqdo mid midha dhala oon intaa ku ekaan.”

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS