|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkad Laga Leeyahay Dalka Oman oo Maal-gelin Ku Samaynaysa Warshada Sibidhka Ee Berbera
July 5, 2019 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN) – Shirkad laga leeyahay dalka Oman oo lagu magacaabo Raysut Cement ayaa shaaca ka qaaday inay maal-gelinayso Warshada Sibidhka ee Magaalada Berbera. Shirkada Raysut Cement oo kaashanaysa Shirkada MSG Group, ayaa qiimaha heshiiskani ku kacayaa $ 40m (OMR15.4m). Heshiiskan ayaa waxa saxeexay maareeyaha shirkada Konstantinos Kouklidis, waxaana shirkada Raysut Cement ay sheegtay inay lahaan doonto saami ahaan 55%, Iaydoona sheegtay inay soo saari doonto lacag gaadhaysa 907,185 tonnes (t). halka boqolkiiba 45% ay yeelan doonto shirkada MSG Group. May 2019 Shirkada Raysut Cement ayaa heshiis ku dhawaa $ 60m (OMR23m) la gashay shirkada shamiitada ee fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta oo la yidhaa Fujairah Cement Industries, Iyadoona ay saami leedahay shirkada Sohar Cement Co. Shirkada qalabka dhismaha ee Omani ayaa wax soo saamigeeda guduhu gaadhi doona 4 Milyan oo tan, Raysut Cement ayaa wuxuu dakhligeedu kordhay 26.6% ee sanadka 2018, iyada oo dakhliga soo gala uu yahay $ 236.3m (OMR91m), halka sanadkii 2017, ay faa’iday $ 186.4m kor u kac weyn oo ka sarreeya tirakoobyada miisaaniyadeed (OMR71.8m), shirkadda ayaa ku dhawaaqday suuqyadeeda saamiyada. Dhinaca kale, Xukuumada Somaliland ayaa iyadu ilaa iyo hada aan ka hadaal warkan ay shaacisay Shirkada Raysut Cement. https://www.constructionweekonline.com/projects-tenders/256631-omans-raysut-cement-to-open-40m-plant-in-berbera-somaliland
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|