|
|||||
WAJAALE NEWS
Qaylo-dhaan Badbaado Qaran!W/Q;Xamse Khayre.
July 16, 2019 - Written by Editor:Arimaha Gacanta JSL ka baxay muddadii u dhaxaysay 2010-2019 ee labadii maamul ee Kulmiye ku abtirsanayey ay xilka u kala dambeeyeen.. Labaddaas Xukumadood ee Kulmiye kala ahaa MURDISO (2010-2017) iyo MA-GAFA (2017-hadda) waxay iibiyeen/hagradeen/hayn kari waayeen: 1.Hawaddii (Aviation) 2 Dhoofkii Xoolaha 3.Shidaalkii & Sahamintiisii 4.Deeqihii Caalamiga ahaa 5.Xidhiidhkii Arimaha Dibedda
7.Bangiyadii Ganacsiga (Commercial Banking) 8; Dekedii Berbera 9; Garoonka Diyaaradaha Berbera 10; Dadkii (Diyaaradda Xamar u baxda ila soo eeg waxa reer Hargeysa u socda ama ka yimid Muqdisho ee u guuray) 11; Fanaaniintii, Waxaas oo dhan waxaa la wareegtay Dawladda Federaalka Soomaliya marka laga reebo #FiberOptic, iyo Dekeda oo Jibuuti iyo imaaraad la wareegeen. Waar dadka runta u sheega waad ku fashilanteen himiladii gooni-isku-taaga. Dadkoow baraaruga oo badbaadiya wixii aynu naf iyo maalba u waynay ee qaran madax banaan oo xor ah inaynu helno. Yaan la idinku khaldin “hebel wuu u soo dagaalamay oo looga baqi maayo”. QALINKII; XAMSE CABDIRAXMAAN KHAYRE. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|