Midawga Afrika oo Si Kulul Uga Hadlay Muhaajiriinta Liibiya Lagu Laayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Midawga Afrika oo Si Kulul Uga Hadlay Muhaajiriinta Liibiya Lagu Laayay
July 3, 2019 - Written by Reporter:

Tripoli (WJN) – Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ku baaqay “In baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo” duqayntii dhanka cirka ahayd ee lagu qaaday xarunta dadka soo galootiga ah lagu xidho ee Liibiya ku taalla, halkaas oo ay ku dhinteen konton qof oo muhaajiriin ah, sida ay sheegeen masuuliyiin dawladda ka tirsan.

War qoraal ah oo ka soo baxay guddoomiyaha ayaa weerarka ku tilmaamay “dambi aad u qaabdaran” wuxuuna ku sheegay in uu doonayo in lagula xisaabtamo dadkii weerarkaas gaystay.

Mahamat ayaa ku baaqay in si degdeg ah xabbadda loo joojiyo, dhinacyada oo dhanna ay ku dadaalaan badqabka iyo ammaanka shacabka, il gaar ahna ay ku eegaan dadka soo galootiga ah ee ku go’doonsan goobaha muhaajiriinta lagu xidho.

Liibiya: Ugu Yaraan 40 Tahriibeyaal ah Oo Duqayn Lagu Dilay

Dad lagu qiyaasay 120 muhaajiriin ah oo gaajaysan ayaa ku sugnaa xarunta dadka soo galootiga ah lagu xidho ee Tajoura, kaas oo la duqeeyay Arbacadii, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Cusmaan Cali oo ah afhayeenka shaqaalaha gurmadka degdegga ah.

Waxaa la rumaysan yahay in guud ahaan ay xarunta Tajoura ku jiraan 600 oo qof oo muhaajiriin ah.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS