“Maxamed Kaahin Hadii Uu Amiin Ku Difaacayo Ciidan Haku Difaaco,Waanu Qabsanaynaa fadhigii, Wixii Ka Yimaadana Isaga Ayaa Masuul Ka Ah”Xildhiban Cabdicasiis. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maxamed Kaahin Hadii Uu Amiin Ku Difaacayo Ciidan Haku Difaaco,Waanu Qabsanaynaa fadhigii, Wixii Ka Yimaadana Isaga Ayaa Masuul Ka Ah”Xildhiban Cabdicasiis.
July 22, 2019 - Written by Editor:

“Madaxwaynaha Waxaan leeyahay Saxiibkaa Uu ku Fashilmay Shaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha Ee U Badal Wasaarad kale”Xildhibaanada Gabiley.

“Maxamed Kaahin Haduu Laaluush Ka Qaatay Maayarada, Aqbalimayno,Waanan Qabsanaynaa Kal fadhigii, Awoodna Umalaha,Wuxuuna Doonayaa In Ay Isdilaan Goluhu”Xildhibaan Cabdicasiis,

Gabiley(W,N) Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Cali oo kamid Xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmada Gabiley ayaa  Jawaab Kulul ka Bixiyay wareegto Uusoo saaray Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Ee uu ku Mamnuucay in gabi ahaanba Golayaasha Deegaanku Qabsan Karin kal fadhi ay xilka kaga qaadayaan maayarada iyo kuxigeennadooda,

Wareegtada Wasiirka Arimaha Gudaha soo Saaray ayaa  kusoo beegmaysa xili khilaafka golaga deegaanka gabiley marayo meel xasaasiya islamarkaan ay wasaarada arimaha guduhu ku jirtay xal Uhelidiisa taasi oo loo balansanaa in ay war kasoo saarto wakhtiga ay soo saartay Wareegtada fadhiya lagu mamnuucay,

Xildhibaan Cabdicasiis Oo Khadka Telfanka Ugu Waramayay Shabakada Warar Ee Wajaalenews.net ayaa si adag uga horyimid wareegtada wasiirka arimaha guduhu soo saaray  isaga oo sheegay in wasiirka Maxamed Kaahin Aanu joojin Karin rabitaanka  golaha deegaanka gabiley iyo doonista Aqlabdiyada Xildhibaanada Gabiley, isagoo wasiir kaahin ku eedeeyay in uu ku fashilmay shaqadii qaranka ee loo igamaday iyo xal u helida Colaada Deegaanka ceel-Afwayn,

Xildhibaanka Oo Arimahaasi ka Hadlaya ayaa wuxu Yidhi  “Wasiirka Arimaha Guduhu Wuxu Jabiyay xeer kamid Xeerarkii DalkaIsagoo  Gabi ahaanba Baalmaray Shuruucdii Dalka iyo nidaamka u yaala wasarada arimaha gudaha iyo wada shaqaynta  golayaasha deeganka.maxamed haahin haduu laaluush ka qaatay maayarada aqbalimayno,waanan qabsanaynaa kalfadhigii, awoodna umalaha, ina kaahin wuxuu doonayaa in ay Isdilaan Xildhibaanadu Waala Lays Dilayaa!

Xildhibaan Cabdicasiis Ayaa Sidoo kale  Wasiirka arimaha gudaha Eedo Culus Ujeediyay Uguna hanjabay in aanu joojin Karin fadhiga golaha,”Wasiirka arimaha guduhu hadii Aanu lahayn awood uu ku kala saaro gole deegaan oo is qabsaday kursiga hayskaga tago oo habaneeyo kursiga, nabadgalyo darada dalkana  isagaa wada wuuna ku fashilmay wasaaradii beesha caalamkana iyo umada Somaliland waxaanu usheegay wixii dalka ka dhaca waxaa ka masuul ah Wasiir Maxamed Kaahin”

Dhanka kale Xildhibaan Cabdicasii ayaa fariin udiray Madaxwaynaha Somaliland Wuxuna yidhi” “Madaxwaynaha Waxaan leeyahay Saxiibkaa Uu ku Fashilmay Shaqadii Wasaarada Arimaha Gudaha Ee u Badal Wasaarad kale wasaaradan Mahayn karo.

Xildhibaan Cabdicasiis Oo Markale sii wata hadalkiisa ayaa wuxu yidhi “Maxamed kaahin Hadii Amiin uu ku Difaacayo Ciidan Haku Difaaco, waanu qabsanaynaa fadhigii, wixii ka dhaca Isaga ayaa masuul ka ah” Ayuu Yidhi xildhibaanku.

Macada Halka Uu sal dhigi doonto khilaafka golaha deegaanka Gabiley iyo maayarka udhexeeyay wallow wasarada arimaha guduhu shaacisay in ay joojisay kalfadhiyadii maayarada xilka lagaga qaadayo, waxay ka war sugidoonaa halka uu ku danbeeyo ismarin waaga xildhibaanada wada mooshinka xilka qaadista maayarka iyo Awaamiirka Wasiirka Arimaha Guduhu.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS