|
|||||
WAJAALE NEWS
Magacyada Mas’uuliyiinta Ku Dhintay Qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay!
July 24, 2019 - Written by Editor:Muqdisho(W,N) – Faah faahinada dheeraadka ah ee kasoo baxaysa qaraxii is-miidaamin ah ee ka dhacay gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa marba marka ka danbaysa waxaa sii kordhaysa iyadoo la shaaciyay tirade masuuliyiinta gobolka banaadiree ku dhimatay iyo kuwa ku dhaawacmay wallow aan dadka shacabka ee qaraxan ku nafwaayay aan la shaacin. Illaa hadda waxaa la xaqiijiyey dhimashada: 1; Gudoomiyeyaashii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullahi Asad 2;Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi 3;Agaasimaha nadaafadda gobolka Cabdifataax Cumar Xalane 4; Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere. 5 – La-taliyaga duqa Muqdishi Avv Xasan Maxamed Sabriye Dhimashada ayaa waxaa sidoo kale ku jira shaqaale hoose iyo ilaalo ka mid ahaa gobolka. Sidoo kale waxaa jira mas’uuliyiin badan oo ku dhaawacmay qaraxaas oo uu ugu horeeyo. 1;Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo xaaladdiisa ay halis tahay. 2;Guddoomiyaha degmada Warta-nadda Seynab Maxamuud Warsame. 3;Guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir. 4; Agaasimaha Xiriirka degmooyinka, Dhega Cadde iyo Gudoomiye Ku-xigeenka Siyaasada Kaxda, ayaa iyagana dhaawac ah. Sidoo kale waxaa dhaawacyo iyo dhimasho soo gaadhay shaqaale ka tirsan Aqalka dowladda Hoose, Askar iyo dad Shacab ah oo u shaqa doontay xarunta, wallow aan tirakoobka rasmiga ah ee dadkaas wax noqday wali la soo saarin. Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada gobolka Banaadir Maxamuud C/llaahi Tuulax, ayaa sheegay inuu jiro khasaare xooggan oo uu sababay qaraxa, haatanna ay ku howlan yihiin sidii loo badbaadin lahaa dhibanayaasha. Qofka isku soo xidhay walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu gudaha u galay dhismaha Aqalka dowladda Hoose, isagoo sii abaartay hoolka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiintan, iyagoo ka arrinsanayay ammaanka Caasimadda. Weerarka waxa uu dhacay wax yar uun ka dib, markii uu goobta ka tagey Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, James Swan, isagoo fariistay hoolka ay ku sugnaayeen mas’uuliyiintan dhimashada iyo dhaawaca noqotay. Xaaladda amniga ee Gobolka waxaa inta badan gacanta ku haya ciidamada booliiska, waxaa kale iyaguna ku sugan xarunta ciidamada gaarka ah ee ilaaliya Guddoomiyaha Gobolka. WAJAALENEWS DESK
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|