Magacyada Afar Xildhibaan Oo Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magacyada Afar Xildhibaan Oo Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Sobobta!
July 23, 2019 - Written by Editor:

GABILEY(W,N) Afar Xildhibaan Oo Katirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley Ayaa Xabsiga Loo Taxaabay Galinkii Danbe ee Maanta Kuwaasi Oo Loosoo Dhaadhiciyay Magaalada Hargaysa

Xildhibaanada Ayaa Wali Si Cad Loo Shaacin Sobobta Lagu Xidhay Iyo Dambi Ay Galeen Ee sobobay in loosoo Gudbiyo Xarunta Danbi Baadhista Hargaysa oo laba kamid lagu xidhay Halka labada kalena iyagana lagu xidhay Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa.

Magacayada Xildhibaanada ayaa kala ah

Xildhibaan Iid Xasan Cabdi.

Xildhibaan Xasan Maxamed Dhagjar

Xildhibaan Buraale,

Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi

Wararka laga helayo xadhiga Xildhibaanada ayaa sheegaya in loo hayso war idaacada BBCda ka baxay oo laga been sheegay Maayarka Gabiley kaasi oon la caday sida ay lugta leeyihiin.

Halka Wararka qaarna Ay sheegayaa in ay abaabulayeen shir ay doonayeen in ay ku doortaan maayar iyo maayarka kuxigeen kadib markii Wasiirka arimaha guduhu Uu ka diiday dalab ay usoo gudbiyeen islamarkaana uu ku mamnuucay Gabi ahaanba  qabashada kal fadhiyo xilka lagaga qaadayo maayarada dalka. xili uu taagan khilaaf culus oo udhexeeyay xildhibaanada la xidhay qaarkood  iyo maayarka degmada gabiley.

Majiro war rasmi ah oo kasoo baxay  xadhiga xildhibaanada Oo kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha iyo laamaha amaanka

Xildhibaano iyagu ka tirsan golaha degaanka gabiley ayaa sheegay in xadhiga xildhibaanada laga soo amray dhinaca xukuumada dhexe wallow aan si cad loo hubin warka ay sheegayaan xildhibaanadu,

Wixii war Ee Kasoo kordha Xadhiga Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley kala soco Wararkeena Danbe.

Wajaalenews Desk.

Gabiley office

 

COMMENTS
LINKS