|
|||||
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Waad Ku Fashilantay Cidaad U Dhiibtay Wasaaradaha Arimaha Gudaha Iyo Dibada”Siyaasi Maxamed Dhimbiil.
July 29, 2019 - Written by Editor:BURCO(W,N)-Siyaasi Maxamed Cabdi Jaamac (Dhimbiil) Oo kamida Dhalinyarada Reer Somaliland ee inta badan faaleeya Siyaasada Somaliland ayaa ka hadlay dhacdooyinkii dalka ka dhacay intii xukuumada Madaxwayne Biixi talada haysay kuwaasi oo ay ku dhinteen dad badan oo kamida shacabka Somaliland, Siyaasi Maxamed Dhimbiil ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in xukuumadiisu ku fashilantay xalinta colaada ceel afwayn iyo tii ka dhacday deegaanka Dhumay ee gobolka sool Oo xalkeeda markii danbe ay galeen madax-dhaqameed kasoo jeeda deegaanka Somalida Itoobiya. Sidoo kale siyaasi dhimbiil ayaa xukuumada ku eedeeyay dib dhaca doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada oo lafilayo in markii labaad dhib udhacaan intii madaxwayne biixi dalka hogaaminayay. Dhanka kale Siyaasi Dhimbiil ayaa shaaciyay in ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan urur siyaasadeed cusub kaasi oo ay bulshada reer Somaliland Ugu soo bandhigi doonaan Siyaasad ka duwan ta xusbiyada Wakhtigan Ay ku Dhaqmaan. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; Related posts:Madaxwaynaha Jsl Oo Sheegay In Loo Aari Doono Marxuum Cabdinaasir Oo Si Arxandaro Udileen Maamulka S... Guddoomiye Ciro Oo Booqasho Ku Tagey Xaafada Sheekh Nuur ee Hargeysa, Boqolaal Dadweyne Ahna Masjidk... Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal Oo Mawqif Cad Ka Istaagay Muranka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan Iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|