|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya.
July 18, 2019 - Written by Editor:HARGAYSA(W.N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez. Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa. Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dal iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:Dhagayso:Cod Sir ah Oo Aad U Fool Xun Oo Ku Salaysan Qabyaalad Iyo Kala Qaybin Bulshee Oo Laga Duu... Dhamaan Masaajidada Ku Yaala Dalka Turkiga oo Laga Oogay Salaad Jinaaso Ah oo Loo Tukanayo Maxamed M... Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Sheegay In Muuse Biixi Iyo Xasan Sheekh ay ka Wada Hadli Doonaan ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|