“Hadalka Wasiir Awadka Muqdisho Wuxuu Ka Turjumayaa Baydgaabnida Dublamaasiyadeed Ee Kooxdaasi” Mustafe Shiine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadalka Wasiir Awadka Muqdisho Wuxuu Ka Turjumayaa Baydgaabnida Dublamaasiyadeed Ee Kooxdaasi” Mustafe Shiine
July 4, 2019 - Written by Reporter:

London (WJN) – Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo Maroodi-jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine”, ayaa ka dareen celiyay hadalkii maanta ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibada Somalia ee uu ku sheegay in ay xidhiidhkii dublamaasiyadeed ay u jareen dalka Jamhuuriyadda Guinea oo Madaxweynaha  Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayaa ay safar ku joogaan dalkaasi oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweyne Alpha Conde.

Mustafe Shiine ayaa sheegay in hadalka Wasiir Awadka Muqdisho uu ka turjumayo baydgaabnida dublamaasiyadeed ee kooxdaasi, Isagoona tilmaamay in ay ummadda u sheegayaan inay xidhiidhkii u jareen dal aanay safiiro is weydaarsan xidhiidh dhawna aanay weligood yeelan.

Dhinaca kale, Mustafe Shiine ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in looga fadhiyo inay dib u habayso Wasaaradda Arrimaha Dabada.

Siyaasi Mustafe Shiine oo qoraal uu hadalkaasi kaga dareen celinayo soo dhigay barta xidhiidhka bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews ayaa u dhignaa sidan:-

“Si ay ka muuqato niyad jab iyo waayo aragnimo daro, ayuu u sheegay in laga bilaabo maanta ay xidhiidhkii u jareen dalka Guinea.

Wasiirka Arrinaha dibada xukuumadda Farmaajo ayaa maanta isagoo la hadlaayay saxaafada intaa raaciyay in beryahanba ay soo kordhaysay dalalka soo dhaweynaayay Somaliland, kuwaasi oo uu ku sheegay inay waxyeelayso wada jirka iyo madaxbanaanida dhul ahaaneed ee Soomaaliya.

Hadalka wasiir Awadka Muqdisho wuxuu ka turjumayaa baydgaabnida dublamaasiyadeed ee kooxdaasi, kuwaasi oo ummadda u sheegaya inay xidhiidhkii u jareen dal aanay safiiro is weydaarsan xidhiidh dhawna aanay weligood yeelan,iyadoo aynu ognahay inay la tacaalayaan cilaaqaadkii xumaaday ee Kenya ka dhexeeyay.

Somaliland waxay hadda u muuqata mid ka soo kabanaysa huradadii dheerayd ee ay dhanka siyaasada arrimaha dibada kaga jirtay.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxaa xukuumadda Muuse looga fadhiyaa inay dib loo habeeyo wasaaradda Arrimaha Dabada, Isla markaana la wanaajiyo tan arrimaha gudaha oo ah muraayadda laga dheehdo tan arrimaha dibada oo laga fogaado wax walba oo inoo ekaysiinaaya dal aan hore u socon oo dhashii cune ah.”

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS