|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Jaamacada Alpha Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Ibraahim Cismaan Aw Xasan Oo Galabta Ku Geeriyooday Arabsiyo.
July 20, 2019 - Written by Editor:INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN! HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha Jaamacada Alpha University Cabdiraxmaan Maxamed Maal Wuxuu Dhambaal Tacsi ah udirayaa isaga oo ku hadlaya Magaciisa ka Jaamacada Alpha,Ka qoyskiisa iyo ka Guud Ahaan shacabka somaliland Qoyska iyo Qaraabada uu ka Baxay Marxuum Ibraahim Cismaan Aw Xasan Meecaad oo galabta ku geeriyooday Magaalada Arabsiyo ee gobolka gabiley. Wuxuna yidhi “Waxaan Halkan Tacsi Tiiraanyo leh uga dirayaan Qoyska reer Cismaan Aw Xasan Meecaad oo aan ka Tacsiyadaynayo Geeridii kutimid Marxuum Ibraahim Cismaan Aw Xasan waxaan si gaar ah uga tacsiyadaynaya qoyska kiisa caruurtiisa iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland. Ilaahay Samir Iyo Iimaan Haynagasiiyo Dhamaanteen Marxuumkana Waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu Janatul Fardowsa Geeyo Una dhib Yareeyo Su,aasha Aamin Aamin, Inaa lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajucuun.
Related posts:DAAWO ;Dooda Kulul Oo faraha Layskula Tagay Dhexmartay Xil Cabdiraxmaan Xoog Iyo Xil Ruush Caraale M... : Hanti Dhawrka Oo Albaabada Iskugu Dhuftay Xafiisyada D/Hoose Ee Allaybaday, Gudoomiyihii Iyo Xogha... Daawo: Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Oo Go,aan Ka Soo Saaray Heshiisyada Dawlada iyo Shirkadaha COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|