“Go’aanka Somalia Xidhiidhka Ugu Goysay Gini Waxaa Ka Muuqda Fudayd iyo Qaangadh La’aan, Wuxuna Kala Durkinayaa Isku Soo Dhowanshaha Somaliland iyo Somalia” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Go’aanka Somalia Xidhiidhka Ugu Goysay Gini Waxaa Ka Muuqda Fudayd iyo Qaangadh La’aan, Wuxuna Kala Durkinayaa Isku Soo Dhowanshaha Somaliland iyo Somalia”
July 5, 2019 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir ee Somalia, ayaa go’aankii Soomaaliya xidhiidhkii ay u jartay dalka Gini ku tilmaamay mid uu ka muuqdo fudayd iyo qaangaadh la’aan.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in go’aanka Soomaaliya uu kala durkinayo isku soo dhowaanshaha Somaliland iyo Soomaaliya, Isagoona sheegay inuu fursad siinayo inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalku xidhanto.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu arintaasi kaga falcelinayo soo dhigay boga uu ku leeyahay xidhiidhka Bulshada ee Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews ayaa u dhignaa sidan:-

“Go’aanka Xukuumadda Federaalka ahi xidhiidhka ugu goysay Dalka Gini oo aan weligii Soomaaliya xidhiidh diblomaasiyadeed la yeelan waxaa ka muuqda fudayd iyo qaangaadh la’aan diblomaasiyadeed. Dawlado ay ka mid yihiin Itoobiya, Kenya & Jabuuti ayaa habmaamuus iyo soo dhoweyn maqaam sare leh hore ugu qaabilay madaxda Somaliland, xukuumadduna kama falcelin, xidhiidhna uma jarin. Haddaba go’aanka ay Xukuumadda Federaalka qaadatay waxaa ka muuqata;

1- Marba meel dhac aan lahayn mowqif mid ah oo sugan, maadaama falalkii diblomaasiyadeed ee kuwan la midka ahaa oo hore u dhacay laga aamusay, kana halkii ugu danbeysay looga falceliyey.

2-Go’aanku wuxuu sawir ka bixinayaa fududeyka iyo qaangaadh la’aanta diblomaasiyadeed ee hoggaanka sare ee dowladda, sababtoo ah falceliska diblomaasiga ahi wuxuu leeyahay habraac marxaladaysan iyo curfi diblomaasi ah oo la maro. Xidhiidh jariddu waa tilaabta ugu danbeysa ee ma aha tan laga bilaabo.

3- Go’aanku wuxuu kala durkinayaa isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna fursad siinayaa inta ku hawlan kala fogeynta labada dhinac iyo in waddada wadahadalka xidhanto.”

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS