Faah Faahinta Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah Faahinta Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac Ee Uu Sobobay!
July 22, 2019 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Qarax xooggan ayaa maanta ka dhacay KM4 ee magaalada Muqdisho, kaas oo la sheegay in lala beegsaday bar koontorool oo laga galo garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Qarax loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa lagu xidhay, waxaa ku dhintay “17 qof illaa 28 kalena way ku dhaawacmeen,” sida uu BBC u sheegay agaasimaha cisbitaalka Madina, Dr. Maxamed Yusuf.

Qaraxan oo khasaare badan gaystay ayaa warar hordaca ee laga helayaa iy sida ay ku warameen madaxda midkamid cisbitaalada muqdisho ayaa sida yidhi,

“Waxaa cisbitaalka la keenay 28 qof oo dhaawac ah, 16 ka mid ah dhaawacooda wuu fududyahay, 17 qof oo mayd ah ayaa sidoo kale la keenay.” Ayuu yiri Dr. Mohamed Yusuf.

Sicad wali looma og khsaaraha dhimasho ee rasmiga ee uu gaystay qaraxani iyadoo ay jiraan cisbitaale kale oo lag geeyay dad waxyeelo kasoo gaadhay qaraxan

Dhanka kale masuuliyada qaraxan ayaa waxa sheegatay koox alshabaab oo shaaciyay halka lagu beegsanayay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waa meel amnigeeda aad loo ilaaliyo. Wuxuuna burbur gaadhay dhismayaasha ku dhow meesha qaraxa lala eegtay.

COMMENTS
LINKS