Dad Loo Xidhay Dil London Loogu Gaystay Wiil Soomaali Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Loo Xidhay Dil London Loogu Gaystay Wiil Soomaali Ah
July 2, 2019 - Written by Reporter:

London  (WJN) – Labo qof ayaa lagu soo oogay dacwado dil la xidhiidha ka dib markii nin lagu dhex tooriyeeyay dukaan.

Yuusuf Maxamed ayaa la weeraray isaga oo ku sugan Uxbridge Road, Shepherd’s Bush oo London ku taalla maalintii Arbacada ahayd ee taariikhdu ahayd 26 June.

Booliiska ayaa sheegay laba ruux oo lab ah dacwado lagu soo oogay ayna kala jiraan 17 iyo 18 sanno, kuwaas oo loo haysto dilkii Arbacadii dhacay.

Baadhitaan lagu sameeyay maydka Maxamed ayaa muujiyay in uu u geeriyooday hal toori oo lagu dhuftay.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS