DAAWO;’Madaxwayne Biixi Oo Shacabka Ugu Bushaareeyay In Ay Nabad Ku Soo Dhamaanayso Arinta Col Caare. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;’Madaxwayne Biixi Oo Shacabka Ugu Bushaareeyay In Ay Nabad Ku Soo Dhamaanayso Arinta Col Caare.
July 25, 2019 - Written by Editor:

Hargeysa-(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqaaqada colaadeed ee muddada ka taagnayd deegaanka Ceel-Afweyn iyo guud ahaanba gobolka Sanaag, waxana uu bulshada ugu bushaareeyey inay arrintaasi marayso marxalad farxad  iyo yididiilo badan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay mashruuc ay shirkadda Dahabshiil dalka ku keenayso gaadiid casri ah, ayaa bulshada ugu bushaareeyey in laga gudbay dhammaanba caqabadihii hor taagnaa colaadahaas, marka laga tago waafajinta heshiiska ee dhinaca sharciyadda, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi, “Arrinta Ceerigaabo nabad baa ka jirta, warwarna kama qabno inay nabad ku dhammaanayso, dadkaa halkaas isugu tegay, kuwa sii joogay iyo kuwa u tegayba dhammaanteen waxa aynnu heshiis ku nahay inay arrintaas nabad ku dhammaato oo ay islaax dhexdeenna ah ku dhammaato oo aanay waxba inaga duul duulin, sidii sharciga loo waafajin lahaa uun baa la is weydiinayaaye, maanta halkaas khilaaf ka taagan oo la isku diiddan yahay dawlad, odayaal iyo dhallinyaradeennii cadhootay midna ma jirto, qodobbo yar yar uun baa la xallinayaa sidii sharciga loo waafajin lahaa, taana ka war war la’aada nabad bay kusoo dhammaanaysaaye, dalkuna waa nabad.”

Hadalka madaxweynaha, ayaa daba socda isku dayo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlannaayeen madax-dhaqameed iyo waxgarad reer Somaliland ah oo u guntaday sidii colaadda gobolka Sanaag loo soo afjari lahaa, kuwaas oo garab iyo wada-shaqaynba ka helay xukuumadda iyo guud ahaanba maamulka gobolka Sanaag.

 

COMMENTS
LINKS