Al-shabaab Oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Nin Lagu Eedeeyay Adeegsiga Sixirka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Al-shabaab Oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Nin Lagu Eedeeyay Adeegsiga Sixirka!
July 6, 2019 - Written by Editor:

Muqdisho(W,N)–Maxkamadda Alshabaab ee ku taalla magaalada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa xukun toogasho ah ku fulisay Nin la sheegay inuu Sixiroole ahaa oo dadka u adeegsan jiray Sixirka iyo Madiidadooyinka.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cali Xasaneey Axmed Kaaytooy oo ahaa 35 sano jir ayaa shalay lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Bu’aale, wuxuuna Garsooraha maxkamadda Al-shabaab sheegay in ninkani uu dadka ku diri jiray Jinniga, kadibna uu ka saari jiray markuu ka qaato lacag, isagoo sidoo kale adeegsan jiray inuu dadka ku sameeyo madiido oo ah inuu dadka is-jecleysiiyo ama is nacsiiyo.

Xukunka Maxkamadda Alshabaab oo ahayd in la dilo ayaa lagu fuliyey, iyado dad fara badan ay goobta joogeen, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay Alsahbaab xukunno kala duwan oo toogasho ah ku fulisay 11 qof.

Degmooyinka Xagar iyo Salagle ayaa lagu dilay 10 Nin oo ku eedaysnaa inay dowlado shisheeye basaas u ahaayeen

COMMENTS
LINKS