|
|||||
WAJAALE NEWS
Abwaan Weedhsame Oo Ka Hadlay Geerida Caaqil Weerar Iyo Xasuusta Dhacdo Uu Goob Joog Ka Ahaa Gaariye!
July 26, 2019 - Written by Editor:“2001-dii Ayaa Anigoo Dugsiga sare Ee Timacadde Dhigta, Waxoogaa Yar Oo Gabay ahna Tirsha, Ayaa Maalin Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye, Intuu Gacanta i Qabtay Axmed Cabdillaahi Xareed ( Weerar ) Iigu Geeyey Albeerko Uu Gebiley Ku Lahaan”Abwaan Weedhsame.HARGAYSA(W,N) Abwaan xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa tacsi diray qoyskii,qaraabadii iyo shacabka reer gabiley ee uu ka baxay Marxuum Axmed cabdilaahi Xareed Weerar oo maanta lagu aasay magaalada. Abwaan weedhsame ayaa ka sheekeeyay dhacdo xusuus mudan oo uu ku xasuusta Oday Weerar iyo barashadiisii oo uu sheegay in abwaan maxamed xaashi dhamac gaariye isbaray si gaar ah an ugu balamayiay marxuumka. Abwaan ayaa qoraal uu kaga hadlayo Geerida Marxuum Weerar ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan; Rabi naxariistii janno ha ka waraabiyo Axmed Cabdillaahi Xareed (Weerar), qoyskii, qaraabadii iyo shacabka reer Gebileyna samir iyo iimaan ha ka siiyo. Maxaan ku xasuustaa Weerar? Sannadkii 2001-dii Ayaa Anigoo Dugsiga sare ee Timacadde dhigta, waxoogaa yar oo gabay ahna tirsha, ayaa maalin Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye, intuu gacanta i qabtay Axmed Cabdillaahi Xareed ( Weerar ) iigu geeyey Albeerko uu Gebiley ku lahaan jiray. “Waar ninkaas yar ii ilaali adigaa magaalada deggane” ayuu ku yidhi. Wax la iga ilaalinayo anigu berigaasi maan fahmin, balse maalintaas wixii ka dambeeyey Weerar halkuu igu arkaba intuu gacanta i qabto ayuun buu i yidhaa “bal ii dareeri tixdii u dambaysay.” Anna runtii markay igu badatay waan yar dhibsaday!!! Maalin uu iga yar dareemay in aanan fahamsanayn sababta uu su’aashan iigu celceliyo, ayuu igu yidhi “waar miyaan la igu kaa ballamin oo ilaali la i odhan” Anna “Haa” baan ugu jawaabay. Intuu bakoorad uu sitay igu gujiyey ayuu yidhi “waxan aan kaa ilaaliyaa saw inad gabayga meel baas la marto maaha, oo sidii Xoolaha u jir ima odhan Ninkii gaabnaa” “Hadduu gellin toomanaa Wuxuu galay WEERAROOW Ayaankaygii gar-dhalad”. Gaarriye, Gurmad 2005. Marti la jecel yahay oo aan qabrigu guulguulin Rabbiga weyni ha kaa dhigo Axmedoow. INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|