Xukuumadda Somaliland oo Daadadka Ka Xidhaysa Deegaannadii Duufaantii Sagar Waxyeelaysay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland oo Daadadka Ka Xidhaysa Deegaannadii Duufaantii Sagar Waxyeelaysay
June 20, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) –Xukuumadda Somaliland ayaa dhammaystirtay mashaariic loogu talo galay in daadadka lagaga xidho degaanaddii ay dufaantii Sagar waxyeeladda u geysatay .

Sidoo kalena Xukuumadda Somaliland ayaa ceelasha degaankaasi ku samaysay Riiman, iyada oo dadka beeralayda ah ee degaankaasna u qaybisay mashiinadda Biyaha  iyo tuumbooyinka waraabka Beeraha.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeer balaadhan kusoo maray degaanadaasi Tuurka,Qoli Xudhuunle ,Waraabe Dareere ,Qudhaanjaale Dareere ,Qudhaanjaale Barri, Qundhaan jaale Galbeed ,Balay, Xooray,Xamarta Durdurka Cad iyo Ruqi, kuwaas oo laga hirgeliyey mashaariicdan ay xukuumaddu ka fulisay tan iyo markii ay dufaanta Sagar ay ku dhufatay degaanadaasi.

Dadweynaha degaanadaasi ayaa xukuumadda uga mahadnaqay waxqabadyada balaadhan ee ay ka geysatay degaanadaasi .

Guddoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Mudane Faysal Cali Sheekh Maxamed oo gebo gebadii halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay doorka ay xukuumadda Somaliland ka qaadatay gurmadka dadkii ay duufaanadu waxyeeleeyeen, waxaanu sheegay in mashruucan ay xukuumaddu ugu talo gashay dadkani yahay kasoo kabashada dadkii ay waxyeeladdu kasoo gaadhay dufaantii Sagar.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS