Wasiirka Warfaafinta oo La Kulmay Masuuliyiinta Ha’yadda IOM U Qaabilsan Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Warfaafinta oo La Kulmay Masuuliyiinta Ha’yadda IOM U Qaabilsan Somaliland
June 29, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Maxamed Muuse Diiriye, ayaa la kulmay saraakiil ka socotay Hay’ada Socdaalka Adduunka ee IOM oo  ay hoggaaminaysay Mrs. Sikhulile Dhalamini.

Wasiirka Warfaafinta iyo Masuuliyiint  Hay’adda IOM xafiiskeeda Hargeysa ayey kaga wada hadleen sidii loo yarayn lahaa Tahriibka isla markaana ay uga qayb qaadan laheyd Wasaaradda Warfaafintu ka wacyigelinta dhallinyarada aafada tahriibka.

Kulankan Wasiirka Warfaafinta waxa ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiqaadir Askar.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS