|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Faratoon oo La Kulmay Xoghayaha Joogtada Ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya
June 27, 2019 - Written by Reporter:Nairobi (WJN) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa Maanta Magaalada Nairobi kula kulmay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya, Ambassador Peter Macharia. Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya ayaa ka wada-hadlay arrimo la xidhiidha Danaha labada Dal, sida lagu sheegay Qoraal uu Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya ku baahiyey Twitter-ka. Wasiirka Arrimaha dibedda Kenya oo Adeegsanaya Kalmadda ah ‘Labada Dal’ ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii loo soo xoojin lahaa Xidiidhka wada-shaqayneed. Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland waxa kulankaa ku wehelinyey Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya, Baashe Cawil Cumar.
Wajaalenews Desk Nairobi Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Maxkamad Ku Taalla Magaalada Bristol Oo Bilowday Dhageysiga Dacwad Ka Dhan Ah Nin Soomaali Ah Oo Lo... Siyaasi Duur Oo Buuxiyay Booskii Xisbiga Wadani Baneeyay Ee Ka Qaybgalka Munaasibadii Dhagax Dhiga W... Madaxweynaha Jsl Oo Ka Qaybgalay Dabbaaldegga 20-Guurada Ee Kasoo Wareegtay Aas-Aaska Xisbiga Kulmiy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|