|
|||||
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Dalalka Islaamka oo Lagaga Dhawaaqay In Barrito Ay Tahay Maalinta 1-aad Ee Ciidul Fitriga
June 3, 2019 - Written by Reporter:Riyadh (WJN) – Dowladda Saudi Arabia ayaa goor dhawayd oo caawa ku dhawaaqday in la arkay bishii Shawaal, sidaa daraadeed maalinta berri ah oo Salaaso ah taariikhdu –na ku beegan tahay 04 June tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga. Warkan waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqday maxkamada sare ee dalka Sacuudiga oo ku wargalisay in bisha Ramadaan ay ku dhamaaneyso 29ka oo ku beegan caawa, taa oo macnaheedu yahay in aan la buuxin doonin 30ka bisha. Dhinaca kale, Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaalida ee ku sugan Kenya ayaa sheegay in dhalshada bisha Shawaal laga arkay meelo ka mid ah Kenya, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Garissa iyo Mandheera. “Aragtida bisha waxaan ka xaqiijinnay dhowr meelood oo ka tirsan gobolka Waqooyi-bari Kenya sida deegaanka Korkora oo hoos taga Garissa iyo xerada qaxootiga Xagardheer, oo isla Garissa ah, waxaa kale oo aan ka xaqiijinnay ilaa 3 meelood oo ka tirsan Mandheera”, ayuu yidhi Sheekh Umal”. Maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga gudaha dalka Sacuudiga waxaa lagaga dabaal-dagi doonaa maalinta berri, laakiin waxaa jira dad badan oo dunida Muslimka ah oo iyagu sheegay in maalita berri ah tahay 30ka bisha Ramadaan maalinta Arbacada ah 05 bisha June tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.Gudaha dalka Sacuudiga durbaba dadku waxaa ay bilaabeen in ay isku diraan fariin qoraaleed ay isugu hambalyeeynayaa munaasabada Ciidda. Laakiin gudaha dalka Somaliland wali wax war ah arintan lagama soo saarin gaar ahaan dowladda Somaliland oo laga sugayo go’aanka ugu danbeeya ee la xidhiidha Ciidda. Maasjiyada qaarkood ayaa wali laga tukanayaa Salaada Taraawiixda, hasse ahaatee wax walba wey is badali karaan saacadaha soo socda. Sidoo kale aragtida bisha soon fur ama Shawaal ayaa maanta oo Isniin ah laga arkay dalka Sacuudiga, sida ay ku warrameen qaar ka mid ah warbaahinta ugu caansan bariga dhexe. Bogagga ay internet-ka ku leeyihiin telefishinka Al-Carabiya iyo wargeyska Khaliij Times ayaa lagu shaaciyay in boqortooyada Saciidiga lagaga dhawaaqay dhalashada bisha Soonfur. Arrintan ayaa ka dhigan in maanta oo Isniin ah ay soo gaba gabowday bishii barakeysneyd ee Ramadaan, halka barri ay noqoneyso maalinta 1-aad ee munaasabadda Ciidul Fitriga. Inta badan dunida muslimka ayaa laga soomay 29, iyadoo lagu warramay in bishii Shacbaan ay ku dhammaatay 30 maalmood. Malaayiin qof oo muslimiin ah ayaa la filayaa inay xusaan munaasabadda Ciidda oo sannad walba ay u dabaal dagaan. Hase yeeshee Indonesia oo ah waddanka ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka ayaa lagaga dhawaaqay in munaasabadda Ciidda looga dabaal dagi doono maalinta Arbacada ah.
Wajaalenews Desk Hargeysa Office Wajalenews@gmail.com COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|