WADDANI oo Xabsiga Ku Booqday Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Wariye Coldoon oo Mudo Xidhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WADDANI oo Xabsiga Ku Booqday Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Wariye Coldoon oo Mudo Xidhan
June 9, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ay ka mid yihiin Xoghayaha guud ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Khadar Xuseen Cabdi oo ay wehelinayaan saraakiil kale oo ka tirsan xisbigaasi ayaa maanta xabsiga magaalada Hargeysa ku booqday Maxamed Sidiiq Dhame oo ah gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Waddani iyo Wariye Coldoon oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xidhnaa Xabsiga Hargeysa,

Masuuliyiintan xisbiga Waddani ayaa sharci daro ku tilmaamay xadhiga Maxamed Sidiiq dhame iyo Wariye Coldoon, waxaanay ku baaqeen in sida ugu dhakhsaba badan loo sii daayo.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/wdCyyX5K-n8

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS