Waa Kuma Ciyaaryahanka Somaliland U Dhashay Ee Xulka Qadar U Ciyaari Jirey Ee Dhawaan Geeriyooday? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Kuma Ciyaaryahanka Somaliland U Dhashay Ee Xulka Qadar U Ciyaari Jirey Ee Dhawaan Geeriyooday?
June 3, 2019 - Written by Reporter:

Doha (WJN) – Ciyaaryahankii weynaa Jamaal Soofe Yaasiin (Jamaal Gadari) Ilaahay ha u naxariistee ayaa ku geeriyooday Qadar isaga oo ay da’diisu tahay 48 jir.

Jamaal taariikhda kubadda cagta wax uu ku lahaa magac iyo maamuus weyn.

Qaybtii dambe ee 1980-dii ilaa qaybtii hore 1990-dii qaaradda Aasiya iyo dunidaba wax uu ka ahaa xiddig magaciisu faafay.

Jamaal

Waxa uu ka soo jeeda Somaliland gaar ahaan magaalada Burco waxay se reerkoodu isaga oo carruur ah u guureen dalka Qadar oo uu magaciisa u ciyaari jiray.

Dalkiisa cusub wax uu u soo hooyay guulo badan, sida Koobkii Khaliijka oo uu u qaaday 1992. Sidoo kale dalkiisa wax uu geeyay Olombigii Barcelona 1992. Sannado badan wax uu ahaa gooldhaliyaha ugu horreeya Qadar, wax uuna haystay goolasha ugu badan isreebreebka Koobka Adduunka iyo horyaalka dalalka Khaliijka.

Waxa uu caan ku ahaa goolasha meel dheer goolka laga toogto.

Sannadkii 1987 Ciyaarahii Gobollada Soomaaliya Jamaal waxaa lagu xasuustaa inuu gool aad u qurux badnaa ka dhaliyey Kismaayo.

Haddaba Jamaal waxaa la kulmay oo ay xataaa kubbad wada ciyaareen Maxamed Axmed Daysane.

“Wuxuu ahaa ciyaartoy weyn oo waddanka Qadar ka ciyaara mararka qaarna iman jiray dalka Soomaaliya una ciyaari jiray gobolka Togdheer, Burco ayaan Jamaal mar kula ciyaarnay ,waxaana xasuustaa isaga oo lagu keenay gaadhi dadweynihii ciyaarta ka soo qayb galay ayaa taageera weyn u muujiyay halkaas oo ay anaga cabsi nagashay” Ayuu yidhi Maxamed Axmed Daysane.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS