Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah oo Abiy Axmed Ka Soo Daayey Suudaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah oo Abiy Axmed Ka Soo Daayey Suudaan
June 8, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN) – Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dib ugu laabtay Magaalada Addis Ababa, ka dib booqasho Hal Maalin ah oo uu ku tagay Caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Raysal wasaaraha ayaa Diyaaraddii gaarka ahayd ee uu ku tagay Suudaan kaga soo qaaday 78 Maxaabiis Itoobiyaan ah oo muddo halkaa ku xidhnaa, ka dib markii Suudaan Xorriyaddooda u soo celisay.

Tirada Maxaabiis Itoobiyaan Ah Oo Abiy Axmed Ka Soo Daayey Suudaan

Maxaabiistan oo muddo ku xidhnaa Suudaan ayaa intii aan la soo daynin ku xukunaa Xabsi gaadhaya 20 sanadood, waxaana loo haystay arrimo kala duwan.

Wakaaladda Wararka ee Itoobiya Ee ENA oo Shabakada Wajaalenews soo xigtay ayaa ku warrantay in Maxaabiistan la soo daayey, ka dib Wada-hadallo bilihii u dambeeyay u socday Khartoum iyo Addis Ababa.

Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa Maxaabiista laga soo daayey Xabsiyada Suudaan kula hadlay Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Suudaan, ka dibna waxa diyaaraddii Weftigiisa sitay soo qaadday Maxaabiista.

Abiy Ahmed ayaa Jimcihii Magaalada Khartoum u tagay inuu dhexdhexaadiyo Millateriga Suudaan iyo Dibed-baxayaal doonaya in Talada lagu wareejiyo Rayidka.

 

Wajaalenews Desk

Addis Ababa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS