Taariikhdu Been Ma Sheegto!; Dadkii Ay Ka Shaqeyn Kari Wayday Dawladii Cabdiraxman Tuur, Waxa Kow Ka Ahaa Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikhdu Been Ma Sheegto!; Dadkii Ay Ka Shaqeyn Kari Wayday Dawladii Cabdiraxman Tuur, Waxa Kow Ka Ahaa Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin!
June 19, 2019 - Written by Editor:

Taariikhdu Been Ma Sheegto!

(Dadkii Ay Ka Shaqeyn Kari Wayday Dawladii Cabdiraxman Tuur, Waxa Kow Ka Ahaa Muuse Biixi Iyo Maxamed Kaahin)Qalinkii Maxamed Dhimbiil.

Alle naxariistii jano ha ka waraabiyo e waxa uu ahaa halgamaa umadan abaal gashaday , qofna waxa uu ahaa cidina af kaga qaadi mayso wax aanu ahayna cidi kaga dhigi mayso.

Cabdiraxman Axmed Cali ” Tuur ” waxa uu ahaa hogaamiyihii SNM ee ku guulaystay in uu dalka ka xoreeeyo nidaamkii kaltaliska ahaa ee Siad Barre.

Waxa uu ahaa hogaamiyihii xiligii uu halganka umada hogaaminayey la guulaystay ee laga adkaaday taiskii Siad Barre lana dhisay qaran la yidhaahdo somaliland oo dadka reer somaliland wada leeyihiin.

Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland yeelato ka dib markii ay dawladnimadeeda dib ula soo noqotay 18 May 1991 kii isaga oo uu mudo xileedkiisu ahaa laba sanadood.

Waa madaxweynihii ugu horeeyey ee isaga oo aan mudo xileedkiisa dhamaysan taladii ku soo celiyey waxgaradkii iyo aqoonyahankii reer somaliland ee Shirkii Borama lagu doortay madaxwayne Cigaal.

Sababaha ay xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa u shaqeyn Kari wayday waxa ay ahaayeen in ay ka soo horjeedeen oo ay dawladiisa ku xumaynayeen madaxweynaha maanta somaliland ka taliya iyo wasiirkiisa arimaha guduhu iyo kooxo la xulafo ahaa.

Dhacdooyinku foosha xumaa ee xukuumadii cabdiraxman lagala hor yimid waxa kow ka ahaa in hal maalin ay iskawada casileen wasiiradii ka soo jeeday bariga Burco si ay u dunto dawladii uu madaxwayne cabdiraxman hogaaminayey.

Wax ku kalifayba waa qofkii ugu mansab sareeyey ee reer somaliland ee ka noqday go’aankii iyo dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida somaliland ee ay umadani isla qaadatay iyaga oo siyaasiyiin iyo saraakiil reer somaliland ahi ku wehelinayeen go’aankaa qaldan.

Taariikhdu been ma sheegto, beena lagama sheego ee Alle ha u naxariisto madaxwaynihii 1aad ee somaliland muj Cabdiraxman Axmed Cali .

Linkgan hoose kaga bogo caqabadihii ka hor yimid waa qudbadii uu ka jeediyey shirkii beelaha somaliland ee Borama 1993.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS