|
|||||
WAJAALE NEWS
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Siyaasida iyo Amniga
June 16, 2019 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN) – Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Mudane Qin Jian. Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xidhiidhka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada. Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sidaweyn u taageera Soomaaliya,waxaana ay ka fulisay mashaariic horumarineyd oo dhowr ah, iyada oo heshiisyo la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wajaalenews Desk Muqdisho Office Wajalenews@gmail.com Related posts:Sheekh Dirir oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Tahriibta Wax Ka Qabato “Waxaan Ku Talin lahaa In Silsila... “Qofka Reer Burco Marka Uu Hargaysa Tago, Waxay Ku Odhan Jireen Reer Hargaysa, Xagan Ka Jeedso Oo Gi... Maamulka Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Mudo Haraadkii Maanta ka Dhacay Magaalada Boorama Iyo Fariinta A... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|